Mas’uuliyiin miisaan ku leh Puntland oo taageeray maqaamka iyo matalaadda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin miisaan iyo maqaam sare ku leh deegaanada Puntland ayaa baaq kasoo saaray xaaladda kala guurka dalka, maqaamka Muqdisho iyo khilaafka u dhaxeeya Punnland iyo dawladda dhexe.

Siyaasiyiintan ayaa soo dhoweeyey in la dhameystiro maqaamka Muqdisho, waxayna sheegeen inay ka xun yihiin sida qaar ka mid ah siyaasiyiinta Puntland iyo kuwa Muqdisho ay uga falceliyeen.

“Shacabka reer Mugadisho iyo shacabka reer Puntland waa dad walaalo ah, horumar, nabad iyo barwaaqo isku rajeynaya, jecelna qaranimada iyo midnimada ummada Soomaaliyeed. Waxaan ka xunnahay falcelintii tabnayd ee ay ka sameeyeen Qaraarkii Metelaada Muqdisho qaar ka mid ah Siyaasiyiinta reer Puntland iyo gobolka Banadirba,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay ku baaqeen in la joojiyo ereyada xanafta leh abuurayana kala fogeynta iyo nacaybka labada bulsho ee reer Puntland, Gobolka Banaadir, iyo guud ahaan Soomaaliya.

“Xal u helidda maqaamka iyo metelaadda Caasimaddu waxay ka mid tahay dhamaystirka geeddi socodka hannaanka dowlad dhisidda Soomaaliya. Maqaamka iyo metelaadda Caasimaddda Muqdisho waxa qeexayaa habraaca loo marayo dastuurka ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqeynaa labada Aqal ee Baarlamaanka JFS dhamaytirka xeerka maqaamka Muqdisho iyadoo loo marayo hannaanka dib u eegista dastuurka KMG ah iyo talo-wadaag heer Qaran.”

Siyaasiyiintan ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Puntland in ay qayb ka noqoto geeddi socodka doorashooyinka heer federal oo sharci ku saleysan, si dalka looga badbaadyo ku noqoshada doorashooyin dadban oo aan sharciyad laheyn.

“Go’aankii ka soo baxay Baarlamanka Puntland 29/06/2020, faqaddiisa 12aad wuxuu ka hor imanaya nidaamka dawladnimo ee kala soocidda awoodaha “Separation of Powers”. Baarlamaanku ma hor istaagi karo safar shaqo madawayne, waxayse korjoogteyn ku leeyihiin shaqada laanta fulinta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxaan ugu baaqeynaa Madaxwaynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni inuu ka qayb galo shirka Muqdisho ee uu ku baaqay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo July 5- 8, 2020 si uu u guto waajibkiisa dastuuriga ah ee loo igmaday, una ilaaliyo danaha Puntland iyo kuwa ummadda Soomaaliyeed. Ugu dambayn, waxaan ummadda Soomaaliyeed u rajejneynaa in ay ilaaliyaan midnimada iyo wadjirka, ayna ka fogaadaan wax kasta oo dhaawicikara bedqabka qaranimada Soomaaliya.”

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran