Mas’uuliyiinta DF oo laga mamnuucay Galmudug iyo amar la siiyey diyaaradaha

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa shirkadaha diyaaradaha ee ka howgala deegaanada Galmudug ku amray in aysan kasoo dejin karin wafdi ka socda dowladaa Federaalka Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa lagu sheegay in Shirkadaha Diyaaradaha la amrayo inaysan deegaanada Galmudug keenin wufuud ka socota Dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen inay xiriirka u jareen.

Maanta ayaa la filayay in Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye uu gaaro magaalada Dhuusamareeb, maalmo kadib markii uu sheegay inay doorasho ay ka dhaceyso Galmudug.

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa imaanayo iyada oo uu jiro Khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Maamulka ee uu hugaamiye Xaaf iyo Dowlada Faderaalka Soomaaliya.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com