Maxa ka jira in QOF qaba CORONAVIRUS lagu hayo isbitaalka weyn ee Boorama?

Boorama (Caasimada Online) ― Saacadihii u dambeeyay waxa aad la iskula dhex-mareyay in Kiis la xiriira fayruska Corona laga helay gudaha magaalada Boorama, isla markaana lagu hayo Isbitaalka weyn ee magaalada oo lagu dabiibayo.

Haddaba, Caasimada Online oo u kuur-gashay dhab ahaanshaha Kiiskaasi ayaa la xiriirtay maamulka gobolka Awdal ee wasaarada caafimaadka, si aynu bulshada ugu xaqiijino waxa ka jirra Kiiskaasi la xiriira Coronaha ee la leeyahay waxa laga helay Boorama.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ee gobolka Awdal ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inuusan jirin Kiis la xiriira Coronavirus oo laga helay gudaha gobolka, gaar ahaan magaalada Boorama, midaasi oo beenin cad u ah warar saacadihii u dambeeyay la wareejinayey baraha bulshada iyo gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale waxa ay Mas’uuliyiintaasi xaqiijiyeen in uusan jirin haba-yaraate Qof looga shakisan yahay caabuqaasi oo soo gaaray laamaha caafimaadka, isla markaana uu gobolku ka bad-qabo aafada dunida oo dhan ku faaftay.

Guud ahaan deegaanada Somaliland ayaa wajahaya cabsi baahsan kadib markii ay soo if-baxeen in dad saarna diyaarada Ethiopian Airlines laga helay Caabuqa Coronavirus, iyagoo isku dayaya inay xuduuda dhuleed ee dalka Jabuuti ka gudbaan.

Waxa kale oo iyaduna xusid mudan in Xukuumada Muuse Biixi ay damaanad kusii deysay dad kamid ah rakaabkii diyaaradaasi oo looga shikisanaa fayruska Corona, sida ay dhowaan xog ku heshay Caasimada Online.