Maxaa Farmaajo ‘ku qasbay inuu soo dhaweeyo’ natiijada shir uusan aqoonsaneyn?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay jeediyey khudbad lama filaan ah, oo u muuqatay qaab olole dib u doorasho, isagoo sharaxay hanaankii ay u shaqeyneysay dowladiisa mudadii uu joogay xukunka.

Sidoo kale Farmaajo ayaa soo dhaweeyay heshiiska cusub ee doorashada looga gaaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo labo maalin ka hor Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyey, isagoo madaxda ugu baaqay inay ku dhaqmaan heshiiskii ay gaareen.

Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa sida la wada ogyahay si badheedh ah kal hore uga horyimid shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble, asaga oo ka ag furay shir kale oo wadatashi, kaasi oo ugu dambeyntii fashilmay.

Haddaba, maxaa Farmaajo ku qasbay in uu soo dhaweeyo waxyaabihii kasoo baxay shirkii uu diidana?

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu wajahay culeyso dibada iyo gudaha ah, kuwaasi oo ku qasbay in uu soo dhaweeyo waxyaabihii kasoo baxay shirkii uu diidanaa ee uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sida uu sheegay Cabdiraxmaan waxa uu madaxweynihii hore Farmaajo isku dayaya in uu daadka is raaciyo, kadib markii uu ku fashilmay tallaabooyinkii u dambeeyay ee awood maruursiga ahaa.

“Ha ku kadsoomina waqtiga uu iibsanayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, marnaba ma aha nin yeelaya oo raali ka noqonaya doorasho madax banaan oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Waxa uu ka shaqeynayaa ah in uu laaluush u qeybiyo dad siyaasiyiin ah oo uu isleeyahay kasbo, waxa uu gadanayaa waa waqti,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in khudbada Farmaajo ee xalay ay tahay mid uu indhaha caalamka iyo gudaha iskaga jeedinayo, islamarkaana uu wado shirqool cusub oo waxyeelaya geedi socodka dowladnimada iyo hanaanka doorashooyinka dalka.

“Qowlkiisa meel laga qabto oo laga rumeeyo aan laheyn, waa ninka ku leh Ra’iisul Wasaaraha xilka ka qaaday waa ka joojiyay, haddana soo saaraya warqad ku socota xafiiskiisa. Waa ninka oranaya galabtii Ra’iisul Wasaaraha waa fiican yahay haddana habeenkii warqad soo saaraya oo oranaya waa ku fashilmay shaqadii.”

Farmaajo ayaa xalay inta badan khudbadiisa uga warbixiyey dib-u-dhiska ay dowladiisu ku sameysay Ciidamada Qalabka Sida, isagoo ku bogaadiyey sida naf-hurnimada leh oo ay u difaacayaan dalka iyo halgankooda ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga iyo burburinta hantida shacabka Soomaaliyeed.

Khudbada madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kusoo aadeysa xilli uu dagaal xoogan kala dhaxeeyo Ra’iisul Wasaaraha, islamarkaana heshiis laga gaaray mad-madowgii doorashada, ayada oo la dhaqan-geliyay badanaa talo soo jeedintii mucaaridka ee doorashooyinka dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii