Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa dhawaan shan iyo toban jirsaday. Dowladda Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan u wajahday la dagaalanka ururkaas.
Marka laga tago dagaallada foolka foolka ah iyo duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladda Mareykan ka ay ka geystaan qeybo kamid ah deegaannada ay maamulaan, waxaa bar bar socday dedaallo xooggan oo lagu soo jiidanayay u dagaallamayaasha iyo qaar kamid ah hoggaamiyayaasha sar sare ee ururkaas.
Wasaaradda amniga gudaha, wasaaradda gaashaandhigga, wasaaradda garsoorka iyo caddaaladda, xeer illaalinta qaranka, taliska booliska, iyo hay’adda Nabad sugidda qaranka ayaa iska kaashaday diyaarinta siyaasadda isa soo dhiibayaasha (Defection policy). Ugu dambeyn wasiirkii amniga gudaha dowladda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa May sannadkii 2015 hor geeyay xukuumaddii ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo markii dambe cod aqlabiyad leh ku meel marisay.
Inkastoo aanan baarlamaanka la horgeeynin, haddana sida ay qabaan khubarrada amniga, siyaasaddaas waxa ay door fiican ka qaadatay dardar gelinta dadaaladii kasbashada isa soo dhiibayaasha.
Isla sannadkii 2015 waxaa magaalada Muqdisho laga furay xarunta dhaqan celinta Sarandi oo loogu talagalay in lagu dhaqanceliyo dagaalyahannada Alshabab kasoo goosta.
Mashruucaas oo ay hirgelintiisu lahayd wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya oo kaashaneysay dowladaha Imaaraadka, Denmark iyo Jarmalka ayaa hadafkiisu ahaa sidii cafis loogu fidin lahaa cid kasta oo dooneysa in ay kasoo baxsato ururka Alshabaab.
Waxaa sidoo kale xarumo dhaqan celin laga furay magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo iyo Baladweyne, ka hor inta aanay badankoodu xirmin.
Isa soo dhiibayaasha ayaa kala leh laba heer oo mid kastaahi si gaar ah loola macaamilo. Isa soo dhiibayaasha heerka hoose oo u badan askarta u dagaalanta Alshabaab, wadaaddada ka shaqeysa faafinta aragtidooda iyo saraakiisha heer dhexaadka ah ee ururkaas waxa ay isku soo dhiibaan xerooyinka dhaqan celinta iyaga oo toos u tagaya ama usii maraya saraakiil ka tirsan dowladda ama odayaasha dhaqanka si ay u dhammeystiraan hanaanka isa soo dhiibidda.
Kaddib xarumaha waxa ay siiyaan isa soo dhiibayaashaas fursad lagu dhaqanceliyo, iyadoo la barayo waxyaabo la xiriira diinta Islaamka iyo aasaasiyaadka xuquuqda Aadanaha. Marka laga soo tago in qiyam ahaan qofka loo rogo, waxaa kale oo la baraa xirfado gacanta ah oo ay ku shaqeysan karaan. Sida uu noo sheegay mid kamid ah howl wadeennada xarunta dhaqan celinta Sarandi oo diiday in aan magaciisa u adeegsanno warbaahinta.
Dhanka kale isa soo dhiibayaasha sar sare waa saraakiisha sare, madaxda iyo hoggaamiyayaasha kooxda ee doorta in ay isku soo dhiibaan dhanka dowladda. Hannaan ka duwan kan la marsiiyo isa soo dhiibayaasha yar yar ayeey maraan, oo waxaa la geeyaa guryo iyo goobo gaar ah, halka qaarka aan dhammeystirin hannaanka isa soo dhiibiddana la dhigo xabsi guri.
“Saddex qodob ayaa ugu muhiimsan siyaasadda dowladda Soomaaliya uga degsan cafinta xubnaha sare ee Alshabaab ee isa soo dhiibaya. Kow waa in uu ka tanaasulo xubinnimada ururka Shabaab/ Daacish, iwm. Labo In uu aqoonsada dowladnimada Soomaaliya (qasab ma ahan in uu taageero xukuumadda markaas jirta) iyo qodobka saddexaad oo ah in uu qaab nabadeed ku raadiyo ahdaaftiisa siyaasiga” ayuu yiri Xuseen Sheekh Cali oo horey u ahaa la taliye dhanka amniga saddexdii madaxweyne ee u dambeysay Soomaaliya.
“Haddii uu oggolaado isa soo dhiibaha saddexdan qodob, dowladda Soomaaliya waa ay cafineysaa, ha yeeshee cafiskaas ma damaanad qaadayo haddii qof ama qofaf ay si shakhsi ah maxkamad ugu dacweeyaan isa soo dhiibaha iyagoo ku eedeynaya inuu si shakhsi ah u waxyeeleyay, kiiska waxaa uu noqonaya mid maxkamad u furan ama isa soo dhiibaha uu la macaamilo dacwoodayaasha” Xuseen Sheekh Cali, markale.
Xubnaha sarsare ee kasoo goostay ururka Alshabaab waxaa ugu mug weynaa kuxigeenkii ururkaas Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo isku soo dhiibay maamulka Koonfur Galbeed 13kii August sannadkii 2013 kii, dhowr bil uun kaddib markii dowladda Mareykan ka ay ka saartay liiska argiggixisada.
Wasiirkii gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid C/llaahi Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa usoo galbiyay Rooboow magaalada Muqdisho si loo dhammeystiro heshiiska labada dhinac.
Dhawaan ayeey ahayd markii taliyaha nabadsugidda qaranka Gaashaanle Yaasiin Farey uu warqad jawaab celin ah u diray wasiirka Amniga oo dalbaday in laga soo warbixiyo sababta uu u xiran yahay Mukhtaar Rooboow. Warqadda taliska Nabad sugidda kasoo baxday ayaa lagu sheegay in Rooboow uusan dhammeystirin shuruudaha isa soo dhibitaanka. haddaba maxay ahaayeen shuruudaha ay ku heshiiyeen dowladda Soomaaliya iyo Mukhtaar Rooboow. Ha inoo sharxo Cabdirashiid C/llaahi Maxamed oo ahaa wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya, door muhiimna ka ciyaaray isa soo dhiibiddii Sheekh Mukhtaar Rooboow
“Dowladda Soomaaliya waxa ay kula heshiisay Mukhtar Rooboow in uu ka tanaasulo fekerka Shabaab, iskana beriyeelo. Sidoo kale uu ka qeyb qaato dowlad dhiska dalka isagoo la dagaallamaya kooxda Alshabaab. In uu door muuqdo ka ciyaaro tashkiilinta iyo in ay isa soo dhiibaan saraakiisha sarsare ee ururka, in ciidamadii la socday la qarameeyo, lana dagaallamaan Alshabaab. Dhanka Rooboow isna waxaa uu codsaday in dowladda ay kala shaqeyso sidii loo sixi lahaa khaladaadkii dhacay, laguna garab istaagi lahaa la dagaalanka Alshabaab”.
Markale isla su’aashaas waxaa ka jawaabaya la taliye Xuseen Sheekh Cali.
“Dowladda Soomaaliya waxa ay jebisay dhammaan heshiiskii lala galay Rooboow, oo si sharci darro ah ayuu ku xiran yahay. dhanka Sheekh Mukhtaar waa uu dhammeystiray dhammaan shuruudihii looga baahnaa qof isa soo dhiibe sidiisa oo kale, waa uu ku dhawaaqay in uu ka baxay ururka Shabaab, si cadna waa u u qiray dowladnimada Soomaaliyaad, wixii markaas ka dambeyayna waa tii la wada ogaa in damaciisa siyaasiga ah uu ku doonayay qaab nabadeed illaa isaga oo musharrax ah Villa Somalia ay soo qafaalatay”.