Golaha Bulshada Banaadir oo hanjabaad uga jawaabtay go’aankii maamulka gobolka

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Bulshada Banaadir ee maalmihii u dambeeyay waday qaban-qaabada banaanbax weyn oo looga soo horjeedo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo isku-deygii afgambi ee 27-kii December ee fashilmay, ayaa si adag uga jawaabay go’aankii uu maamulka gobolka Banaadir uga horyimid banaan-baxaas.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Filish oo maanta shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka iyo Saraakiisha laamaha amniga ee qeybta guud gobolka, ayaa banaanbaxa mucaaridka ku tilmaamay mid fowdo ah oo ka dhan ah amniga caasimada.

Cali Maxamed Maxamuud (Cali Joqonbe) oo qeyb ka ah Golaha Bulshada Banaadir oo goordhoweyd warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aanka kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir, kadib markii uu ku dooday in banaanbaxa uu yahay xaq dastuuri ah.

Waxa uu ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono Sarkaalka ama Mas’uulka isku daya in uu awood ciidan isku hortaago banaanbaxa Khamiista, isaga oo sheegay in mas’uuliyada wax kasta oo dhaca ay dusha u ridan doonaan maamulka gobolka Banaadir.

“Waxaa maqalnay in maamulka gobolka Banaadir uu yiri lama banaanbixi karo, Golaha Bulshada Banaadir waa Gole lagu talo-galay in lagu difaaco codka, xuquuqda iyo dhamaan adeegyada bulshada ku nool gobolka Banaadir. Qofka in uu si xor ah u hadlo oo si nabad ah ku banaanbaxo waa xaquuq aan u baahneyn fasax,” ayuu yiri.

“Waxaa leeyahay cid kasta oo wax ku gaarta banaanbaxaas waxaa mas’uuliyadeeda qaadeysa maamulka gobolka Banaadir, waxaana ka codsaneyna in bulshada soo baxdo oo aan muujino dareenkeeda si nabad-gelyo ah.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in banaanbaxa uu yahay mid nabdoon, isaga oo dadka kasoo horjeedana ku eedeyay inaysan ogoleyn doorasho xor iyo xalaal ah.

“Sarkaalkii soo bixiya ciidan maxkamad ayaa la geynaya, waana lagu ciqaabi doona. Calanka ayaa qaadeyna anaga ayaa idinka horeyna oo idinka dambeyn meyno, maalinkaas ayaa noo ballan ah,” ayuu ugu dambeyntiina yiri Cali Joqonbe oo ku hadlayay afka Golaha Bulshada Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa joojinta banaanbaxa qiil uga dhiganaya in heshiis laga gaaray mad-madowgii ka jiray doorashada, ay dhankoodana ku qanceen mucaaridka, inkasta oo banaanbaxan uu yahay mid ka dhan ah Farmaajo iyo isku-deygiisa afgambi ee 27-kii December.

Waxay arrintaan sii hurineysa xiisada dhinacyada isku haya siyaasadda dalka, maadama mas’uuliyiinta raacsan Farmaajo ay xilligan ku howlan yihiin baajinta banaan-baxaas, ayaga oo dhawaan qabsaday dibadbax kusoo koobmay huteel iyo haween oo lagu taageerayay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii