Maxaa ka dhalan kara shirkii taliyayaasha ciidamada ee ‘fariinta loogu diray” Rooble?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad amni ee dalka ayaa walaac xoogan ka taagan yahay kadib markii uu fashilmay amarkii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee uu siiyay Saraakiisha ciidamada, kaasi oo dhigayay inaysan ka amar qaadan karin cid aan asaga aheyn.

Waxaa shalay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ka qabsoomay kulan ay soo abaabushay Madaxtooyada Soomaaliya, kaasi oo ay iskugu yimaadeen badanaa Taliyayaasha iyo Saraakiisha kala duwan ee ciidamada dowladda.

Kulanka ayaa waxa kasoo muuqday Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, Ku-simaha taliyaha Hey’adda NISA Yaasin Cabdullaahi Farey iyo Taliyaha ciidanka booliska qeybta gobolka Banaadir, Farxaan Maxamuud Qaroole.

Fallan-qeeyayaasha siyaasada ayaa qaba in kulankaas uu ahaa mid dhoolatus ah oo farriin loogu dirayay Ra’iisul Wasaaraha, maadama Taliyayaasha iyo Saraakiisha kasoo muuqday ay ahaayeen kuwa weli si toos ah uga amar qaata madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa xusid mudan in kulanka shalay uu Wasaaradda Gaashaandhiga ka qabsoomay ayada oo aanu weli Wasiirka cusub ee uu dhawaan magaacabay Rooble aanu xafiiskiisa u shaqo tagin.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hore u amray ciidamada inaysan ka amar qaadan karin cid aan asaga aheyn, kadib markii uu sii xoogeystay dagaalka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Farmaajo, oo isku dayay in uu awood ciidan ku qabsado xafiiskiisa.

Sidoo kale waxay arrintaan kusoo aadeysa ayada oo madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ay ku fashilmeen inay isku raacan in amniga dalka lagu wareejiyo Rooble, maadama uu madaxweynihii hore uu weli saameyn xoogan ku leeyahay taliyayaasha iyo saraakiisha ciidamada.

Arrimahan ayaa ka dhigan in weli uu Farmaajo u adeegsan karo ciidamada dowladda dano gaar ah, sida u hore u dhacday, taasi oo aan la mahdin, islamarkaana horseeday jahwareero siyaasadeed iyo hubanti la’aan amni.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii