Maxaa ka cusub dagaalkii ka dhacay Hiiraan oo dad badan ay ku dhinteen

Beledweyne (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in lagu guuleestay joojinta dagaal beeleed ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiraan.

Muddo shan cisho oo wafdi isugu jirra, wasiiro, wasiir ku xigeeno, xildhibaanno iyo siyaasiyiin ayaa ku suganaa deeganka Kabxalney oo ka tirsan gobalka Hiiraan.

Sii hayaha xilka wasiirka kheyraadka xukuumada Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo hoggaaminayay wafdiga gaaray deeganka lagu dagaalamay ayaa sheegay in dowladda ay ku guuleesatay joojinta dagaalada isla markaana la kala qaaday labada maleeshiyo ee dagaalamay.

Wasiirka waxaa kaloo uu sheegay in dowladda si KMG ah loogu wareejiyay dhul beereed lagu muran san yahay ilaa inta khuburo yaqaana beeraha iyo dowladda ay ka baarayaan cidda iska leh dhulka la isku heesto.

Wasiirka waxaa uu tilmaamay in cid kasta oo jabisa xabad joojinta loo arki doono kuwa ka soo horjeeda nabadda isla markaana sharciga lala tiiksan doono.

Ugu dambeyn wasiirku wuxuu ku sheegay in ciidanka AMISOM looga baahan yahay in ay la socdaan xabadjoojinta la dhex dhigay labada dhinac.

Taliyaha ciidamada AMISOM ee Jabuuti, Korneel Cusmaan Dubad oo joogay munaasabada laga soo saaray go’aankan dowladda ka soo baxay ayaa sheegay in ay soo dhaweeynayaan haddii ay yihiin ciidanka AMISOM ee jooga Gobalka Hiiraan, wuxuuna ballan qaaday in ay ilaalin doonaan xabad joojinta la dhex dhigay beelaha ku dagaalamay deeganka Kabaxnleey.

Qaar ka mid ah xildhibannada iyo waxgaradka joogay kulanka ayaa iyagana soo dhaweeyay go’aanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ku aadan dagaalada ka socday deeganka Kabxanleey.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com