Shaqaalaha garroonka Adan Cadde oo xabsi lagu guray kadib markii Pasaport British ah laga xaday la taliyaha C/Weli

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online, in 11-ka mid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha Muqdisho la soo xiray kaddib markii la xaday baasaboor uu lahaa mid ka mid ah saraakiisha ka shaqeeya xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Raggan ayaa la xiray Arbacadii shaley, waxaana xarigooda uu ka dambeeyay markii la waayay basaboor uu lahaa mid ka mid ah La
taliye-yaasha ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo British ahaa, xilli ay ku sii jeedeen magaalada Geneva.

Basaboorka, ayaa muddo saacado ah laga dhex raadinaayay Garoonka, walow mar laga quusan gaaray laga dhex helay goob qashinka lagu daadiyo oo ku taala Garoonka.

Ilaa iyo hadda waxaa lagu jahwareersan yahay cidda ka dambeysay in basaboorkaasi lagu dhex tuuro goobta qashinka, waana taa midda keentay in xabsiga loo taxaabo dadka la tuhunsan yahay.

Ilaha warkan noo sheegay ayaa leh in dadka la xir xiray ay ka tirsanaayeen Shaqaalaha Shirkadda FAVORI, oo si buuxdo u maamusha garoonka caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Warar kalana waxay sheegayaan in shaqaalaha la xiray ay ku jiraan kuwa ka tirsan laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha, inkastoo aysan jirin cid weli si rasmi ah u kala caddeysay.garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Waa markii ugu horreysay oo arrintan ay qabsato la taliyaal ka tirsan madaxda dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Caasimada@live.com