Maxaa ka jira arrinta laga faafiyey safaarada Somalia ee Kenya, yaase ka dambeya?

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qaadeysa tallaabo ay dadka ku xayiran Kenya uga soo daad gureyneyso iyadoo la raacayo tilmaamaha iyo taxadarka xanuunka COVID19, balse mid ka mid ah warbaahinta dalkaas ayaa safaaradda Soomaaliya ku eedeeyay iney sameynayeen baaritaanno qarsoodi ah oo ku aadan Coronavirus.

Talafashinka Citizen oo ka mid ah kuwa afka dheer ayaa aaminsan inuu hayo muuqaalo cadeynaya in muwaadiniin Soomaaliyeed lagu sameeyay baaritaan qarsoodi ah oo la xiriira Coronavirus.

TV-ga wuxuu leeyahay dadka waxey galayeen dhismo ay ku marayeen baaritaan qarsoodi ah, sidoo kalana wuxuu soo bandhigay warqado cadeynaya in sheybaarka Lancet uu yahay halka uu baaritaanka ka dhacay, kaasi oo mid ka mid ah quburadooda uu markii dambe twitter-ka ku beeniyay warka uu baahiyay TV-ga.

Si kastaba Maxamuud Axmed Nuur Tartan oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, isla markaana ku hawlan howsha daad gureynta ayaa BBC-da uga warramay wax walba, wuxuuna siiyay wareysi cod ah uu ku beeninayo arintaas.

“Marka hore Safaaradda Soomaaliya isbitaal ma lahan, mana jiro isbitaal ay heshiis la gali karto”

“Isbitaalkaan dowladda Kenya ayaa tilmaam bixisay oo tiri qofkii ka baxaya, anagana xaq waxaan u leenahay in dadkeena ku xayiran halkaan aan ka daad gureyno, dowladda Kenya iyo dowladeena Soomaaliyana waan isku waafaqnay.”

“Shardi waxaa ah in qofka baxaya uu ka caafimaad qabo Coronavirus, marka waa inuu is hubiyo, shirkadaan la dhaho Lancet waxey ku taallaa meelo kala duwan, meel walba ayey ku taallaa, sababta aan kan u isticamaaleyno waxey tahay sababtoo ah Islii ayey dadka ka imaanayeen, waxaana la galiyay Karantiil, waana isbitaal ay dowladdu cayintay”

“Anagu waxeena sir maahan waa wax dowladdu ogtahay, Liiskii lasoo qaaday ee baxaya ee la hubiyay caafimaadkooda waxaan u dirnay wasaaradda arrimaha dibadda”

Safiirka wuxuu sidoo kale si adag u sheegay iney jiraan shaqsiyaad Soomaali ah oo ka xun shaqada ay qabaneyso Safaaradda. isla markaana soo abaabulay halkaan, wuxuuna adeegsaday hadal adag oo ah in Soomaalidu iyadu cadaw isku tahay.

Tarsan wuxuu sidoo kale sheegay in kaliya Sheybaarka Lancet uusan aheyn meesha ay dadka iska baari karaan, kaliya dad lagu qiyaasay 18 qofood oo kaliya ay iska baareen sheybaarkaan ku yaalla Islii iyadoo la ogyahay iney safaaraddu soo daad gureyneyso marka hore 107 qofood sida uu safiirka sheegay.

Dhanka kale Dr. Axmed Kalebi oo ka mid ah quburada caafimaad ee ka hawlgala sheybaarka Lancet ayaa barta twitter-ka kaga jawaabay arinta wuxuuna sheegay ineysan jirin wax sir ah oo ay u sameeyeen safaaradda Soomaaliya, wuxuuna warbixinta TV-ga Citizen ku sheegay mid been abuur ah oo aan sal iyo raad toona laheyn.