Maraakiib Venezuela kusii jeeda oo laga cabsi qabo in dagaal ay ka dhex qarxiyaan MAREYKANKA iyo IRAN

Tehran (Caasimada Online) – Wakaaladda Wararka Iran oo ku dhow ilaalada kacaanka ayaa werisay in ay jiri doonaan falcelin aan la mahdin haddii Dowladda Maraykanku ay “sida burcad badeed oo kale” ula dhaqanto Maraakiib Iran leedahay oo shidaal u sida Venezuela.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa u sheegay Reuters in todobaadkii lasoo dhaafay Maraykanku uu ka fakarayey tallaabadii uu ka qaadi lahaa maraakiibta Iran ee shidaalka u sida dalka ay xasaraduhu la degeen ee Venezuela.

Qeybaha Shidaalka ee Iran iyo Venezuela, oo ah dalal xubno ka ah ururka OPEC, ayaa waxaa saaran cuneqabateynta Maraykanka. Mas’uulka ka tirsan maamulka Trump waa uu diiday in uu sheego talaabooyinka la qiimiiyay in laga qaadayo maraakiibta Iran oo gaaray ilaa shan, lakiin wuxuu sheegay in arrimo dhowr ah loo bandhigi doono Trump si uu kula doorto.

“Haddii Maraykanku sidii burcad badeedii uu ku talo galo in uu amni darro ka abuuro biyaha caalamiga ah, waxaa uu u bareeri doonaa khatar halis ah, hubaal ahaanna taasi ma dhici doonto fal-celin la’aan,” ayey werisay wakaaladda wararka Iran ee Nour.

“Venezuela iyo Iran labaduba waa dalal madaxbanaan oo lahaan jiray yeelanna doona xiriir ganacsi,” ayey wakaaladdu kasoo xigatay afayeenka Dowladda Cali Rabiici.

“Badeeco ayaan kasoo iibsanaa kana iibinaa. Waana in aan shidaalkeena ka iibinaa, waxaanna heli kartaan qaab aan uga iibino,” ayuu yiri Rabiici isagoo aan bixin faahfaahin ku saabsan markabka shidaalka qaadaya.

Waaya aragnimadii laga helay markabkii Briatain.

Aqoonyahan taxliiliya siyaasadda Iran ayaa soo jeediyay in xukuumadda Tehran ay ka aargoonsan karto maraakiibta Maraykanka ee gacanka mara, haddii Maraykanku uu qaado tallaabo ka dhan ah markiibta Iran ee shidaalka u sida Venezuela.

“Ciidanka Badda Maraykanka iyo xulifadiisa ee jooga gacanka Persia waxay khatari kasoo gaari kartaa nuuc kasta ee xadgudub ah ee ka dhan ah maraakiibta Iran ee sida sharciga ah ku maraya biyaha caalamiga ah,” ayuu twitter-kiisa kusoo qoray Mahdi Maxamaddi.

“ka hor inta uusan go’aan qaadan, Donald Trump waa in uu saaxiibkiis Boris Johnson weydiiyaa waaya aragnimaddii markabkii Britain,” ayuu yiri.

Iran ayaa sanadkii lasoo dhaafay la wareegtay markab sitay calanka Britain kadib markii ay ciidanka Britain qabteen Markab Iran leedahay oo lagu eedeeyay in uu saliid u siday Syria. Britain ayaa markii dambe sii daysay markabka Iran, ayadoo kadibna Iran ay fasaxday markabka Britain.