Maxaa ka jira in dad qaba Coronavirus ay isbitaalka Hargeysa ugu geeriyoodeen?

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa ka hadashay warar sheegaya in dad qaba cudurka Coronavirus ay ku geeriyoodeen isbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa, midaasi oo ay ka dambeysay daryeel caafimaad la’aan, sida lagu baahiyay baraha bulshada.

Xukuumada Somaliland, gaar ahaa Wasaarada caafimaadka ayaa warkaasi waxba kama jiraan ku tilmaamtay, iyadoona sheegtay inaysan jirin dad daryeel la’aan ugu geeriyooday isbitaalka Hargeysa.

Maxamed Xergeeye, Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland, ayaa sidoo kale sheegay inay jirto haweenay aad u xanuusneyd ay ku geeriyootay mid kamid ah isbitaalada waaweyne ee Hargeysa, balse aan la xaqiijin inay qabtay cudurka Coronavirus.

Xergeeye ayaa sheegay inay Haweeneyda geerideeda kadib ka qaadeen dheecaankeeda si ay u xaqiijiyaan in ay u geeriyootay cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19 ama cuduro kaleba.

Agaasimaha ayaa ka dhawaajiyey in aan laga hordhicin baaritaanka, isla markaana la sugo jawaabta kasoo baxda dheecaanada ay dalka dibadiisa u diraan, isagoona xusay in uu warbaahinta la wadaagi doono.

Somaliland ayaa iyadu nasiib u yeelatay inay hesho qalabka lagu baaro cudurka Coronavirus, hadana waxay u muuqata inaysan jirin dad xirfad u leh oo ku howl-gali kara, inkasta oo ay ku andacooto inay kooxo dhakhaatiira u diyaarisay sheybaarkaasi lagu baaro COVID-19.

Deegaanada Somaliland ayaa laga helay Kiisas hor leh oo la xiriira cudurka Coronavirus, iyada oo dhowaana ay xukuumadu shaacisay 13-kiis oo cusub, midaasi oo tirada guud ka dhigeysa 19-Kiis.