Maxaa ka jira in Kenya ay lumin doonto Lamu haddii looga adkaado kiiska badda?

Nairobi (Caasimada Online) – Dadka degan Lamu waxay lumin doonaan xuquuqdooda kalluumeysi, haddii maxkamadda ICJ ay Soomaaliya u xukmiso dhul-badeedka ay dacwaddiisa qaadeyso, waxaa sidaas maxkamadda u sheegay Kenya.

Kenya ayaa ku doodeysa in xuduudda badda ee labada dal lagu salleeyo loolka ama xagal qalloocan oo dhinaca Soomaaliya soo aadeysa. Loolka ayaa Kenya siinaya qeyb ka mid ah dhul-badeedka Soomaaliya.

Qareenada Soomaaliya ayaa sheegay inay Soomaaliya mowqifkeeda tahay in xadaynta lagu saleeyo laynka tooska ah ee ku astaysayn xuduudda dhulka. Qareenada Soomaaliya waxay sheegeen in xadaynta badda ee noocaas ah loo adeegsaday xukunnadii hore ee maxkamaddu go’aamisay ee ku aaddan badaha waddamo uu muran ka dhexeeyey sida Bangladesh iyo Myanmar oo kale.

Haddii maxkamadda ICJ ay kiiska u xukmiso Soomaaliya, Kenya ma weyn doonto dhul ka maqan balse waxay weyn doontaa dhul badeed aysan laheyn oo hadda ay kalluumeysatada dalkaas uga kalluumeystaan si sharci-darro ah.

Kenya ayaa dokumentiyo ay u gudbisay maxkamadda ku dooday in kalluumeysiga uu yahay 80 dakhliga bulshooyinka ku nool Lamu.

Kenya ayaa sidoo kale ku dooday in hadduu dhulka la isku hayo loo xukmiyo Soomaaliya uu aad u yaraan doono dhul-badeedka Kenya, taasi oo sida ay ku dooday xadidi doonta dhaq-dhaqaaqa maraakiibta.