MASAR oo siyaasad cusub ku wajaheysa Soomaaliya – Maxaa oo soo kordhay?

Qaahira (Caasimada Online) – Xiriirada siyaasadeed ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika ayaa isku badbadalaya si joogto ah, waxaana kamid ah xiriirka Masar iyo Soomaaliya ee qaboobay kadib ay Soomaaliya dhexdhexaad ka istaagtay Biyo xireenka Webiga Nile oo Masar iyo Itoobiya ku muran sanyihiin.

8-dii March 2021 madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-Sisi ayaa ku qaabilay Qasrigiisa Qaahira Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacowday Masar Ilyas Sheekh Cumar, isla maalintii laga gudoomay waraaqaha safiir nimo waxa uu Ilyaas soo saaray war saxaafadeed uu ku muujinayo sida ay Soomaaliya rajo weyn ugu qabto sidii u sii socon lahaa xiriirka soo jireenka ah ee kala dhaxeeya Masar.

“Sharaf weyn iyo taariikhi ayey ii tahay inaan waraaqaheyga aqoonsi ku wareejiyo madaxweyne Alsisi” ayuu ku yiri bilowga war saxaafadeedka, wuxuuna safiirka hoosta ka xariiqay xiriirka faca weyn ee Soomaaliya iyo Masar, iyo in Masar ay kala shaqeyso Soomaaliya heshiisyo isfaham ahaa oo ay kala saxiixdeen Labada dowladood sanadihii 2015 iyo 2019 kuwaa oo ku saabsanaa waxbarashada, caafimaadka, Beeraha, Xoolaha, ganacsiga iyo Kaluumeysiga.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa 5-tii March soo saartay war murtiyeed ay ku cambaareyneyso qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan qaraxii maqaayadda Luul Yameni oo dad shacab dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay.

Masar waxey sheegtay iney Soomaaliya ku garab taagantahay sidii looga adkaan lahaa argagixsada Al shabaab si dalka loogu soo celiyo amni iyo kala dameyn.

Zakaria Othman, oo horay u ahaa cilmi bare katirsan Machadka Daraasadaha Afrika iyo Carabta ayaa wargeyska Al-Monitor u sheegay in Masar ay sanadihii ugu dambeysay ahmiyad siineysay wadamada Afrika si looga adkaado argagixsada, wuxuuna noqday tiir aas-aas u ah siyaasadda arrimaha Dibadda ee Masar.

Waxa uu intaa ku daray Sakariye in Masar ay  bilowday xoojinta xiriirka Afrika, markii uu xoogeystay muranka kala dhaxeeyo Itoobiya ee ku aadan webiga Nile, dowlado ay kamid tahay Sudan iyo Koofur Afrika ayuu sheegay iney kula jirto heshiis Military.

“Si walboo ay ahaato in Masar ay xiriir dhaw la yeelato Afrika gaar ahaan Soomaaliya iney ka caawiso la dagaalanka argagiixsada iyo wada shaqeyn dhanka ganacisga iyo dhaqaalaha waxey Masar uga fadhisaa mid qaas ah maamadama Soomaaliya ay xuduud la leedahay Itoobiya oo muran dhanka webiga Nile uu kala dhaxeeyo ” Wargeyska Al-Monitor.

Sanadihii ugu dambeeyay Masar waxey kor u qaadeysay xiriirka wadamada Sudan, Koofurta Sudan iyo Eritrea kuwaa oo dhamaantood xuduud la leh Itoobiya, warbaahinta ayaa sidoo kale tabisay in Dowladda Masar ay wado qorshe ay saldhigyo Militery uga dhiseyso Soomaaliya, Koofurta Sudan, iyo Eritrea.

Cilmi bare sare oo  Masaari ah kana faalooda arrimaha Afrika oo diiday in magaciisa la sheego ayaa xusay ujeedka ay Masar xiriirka ula yeelaneyso wadamada Afrika ee xuduuda la leh Masar oo Soomaaliya ay ku jirto kuwaa oo sidoo kale xubin ka ah Jaamacada Carabta ama Midowga Afrika iney tahay sidii Itoobiya cunaqateyn loo saari lahaa, una codeyn lahaayeen hadii ay dhagaha ka fureysato wadahallada Masar kana shaqeyso buuxinta biyo xireenka Webiga Nile iyadoo aan heshiis la gaarin.

“Xitaa hadii aysan ku guuleysan Masar cadaadiska ay saareyso dowladaha iyo ururada caalamiga ah ee ku aadan iney cunaqateyn ku soo ragaan Itoobiya ,waxey saameyn dhaqaale ku yeelan doontaa Addis Ababa, maadama Itoobiya ay tahay dal Bad la’aan ah ayna ku tiirsantahay dekado ku yaala Eritera iyo Masar, waxaa suuragal ah iney Itoobiya u taag heliweyso buuxinta webiga” Cilmi bare sare oo Masaari ah ayaa sidan u sheegay Al-Monitor.

Sanadii 2020 waxey Masar geed dheer iyo mid gaaban u fuushay sidii dhowr dowladood iyo dhowr urur ay u soo saari lahaayeen go’aan ka dhan ah biyo xireenka ay rabto iney buuxiso Itoobiya, xiligaas Soomaaliya wey ka aamustay,waxaana March 2020 uu sheegay wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya iney Dowladda Federalka diyaar u tahay dhexdhexaadinta dowladaha isku haya Webiga Nile.

Sidoo kale Masar ayaa xiriir dhaw la yeelatay maamulka iskiisa ugu dhawaaqay madax banaanida ee Somaliland waxaana warar soo baxayay ay sheegayeen iney saldhig Militery ka furan rabto, Dowladda Federalka Soomaaliya ayaana  booqashadaas ka xumaatay.

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim
Abdiazizh99@gmail.com
Xigasho: Wargeyska Al-Monitor