FARMAAJO oo war kasoo saaray geerida MAGUFULI?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay geeridii ku timid Madaxweynihii wadanka Tanzania John Magufuli oo u dhintay wadno xanuun.

Madaxweyne Farmaajio ayaa tacsi u diray shacabka iyo dowladda Tanzania, isaga oo si gaar ah ugu tacsiyeeyey madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Marwo Suluhu Samia iyo Marwadii uu ka geeriyooday Madaxweynuhu, Janet Magufuli

“Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Dawladda iyo qaranka Soomaaliyeed, waxaan jeclahay inaan tacsi tiiraanyo leh u diro Jamhuuriyadda Midoobey ee Tanzania geeridii ku timid Madaxweyne John Magufuli,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Geerida madaxweynaha Tanzania ayaa timid, kadib markii saddex toddobaad aan la’arak, taas oo abuurtay xan ku saabsan inuu xanuusanaa, wuxuuna ku dhintay is-bitaal ku yaal magaalada Daarusalaam ee caasimada dalkaasi, sida ay shaacisay dowladda.

Magufuli ayaa la doortay 2015-kii, wuxuuna ku caan baxay inuu ahaa hoggaamiye la dagaalama musuq-maasuqa taasi oo shacabka jecleysiisay, hase yeeshee wuxuu kadib ku dhacay kali-talisnimo isaga oo billaabay inuu caburiyo warbaahinta, mucaaradka iyo bulshada rayidka ah.

Halkan hoose ka aqriso:- Taariikhda John Magufuli

  • Wuxuu ku dhashay Chato, waqooyi-galbeed Tanzania, sanadkii 1959
  • Wuxuu kimistariga iyo xisaabaadka ka bartay Jaamacadda Dar es Salaam
  • Wuxuu soo noqday macallin dhiga kimistariga iyo xisaabta
  • Markii ugu horreysay waxaa xildhibaannimo loo doortay sanadkii 1995
  • Wuxuu golaha wasiirrada ka mid noqday sanadkii 2000
  • Waxaa markii ugu horreysay madaxweyne loo doortay sanadkii 2015
  • Mar kale ayuu madaxweyne noqday sanadkii 2020