Madaxweynihii TANZANIA MAGUFULI oo geeriyooday

Dar es Salam (Caasimada Online) – Madaxweynihii dalka Tanzania John Magufuli ayaa Arbacadii u dhintay wadno xanuun kadib shan sano oo uu xukunka hayey, waxaa sidaas sheegtay madaxweyne ku-xigeenka Tanzania.

Magufuli ayaan muddo saddex toddobaad ah la hayn war iyo wacaalkiisa, taasi oo abuurtay xan ku saabsan inuu xanuusanaa, ayada oo mucaaradka Tanzania ay sheegeen inuu ku dhacay cudurka Coronavirus. 

“Waxaan aniga oo si aad u qoto dheer uga xun idinka wargelinayaa in maanta 17-ka March, saacadda 6:00pm aanu weynay hoggaamiyaheenii geesiga ahaa, madaxweynaha Jamhuuriyadda Tanzania John Pombe Magufuli,” ayey tiri madaxweyne ku xigeenka Tanzania Samia Suluhu Hassan.

Waxa ay intaas ku dartay in Magufuli uu “wadno xanuun” uu muddo qabay ugu dhintay isbitaal ku yaalla Dar es Salaam. 

Waxa ay sheegtay in markii ugu horreysay si kooban loo dhigay isbitalka Jakaya Kikwete Cardiac Institute, 6-dii March, balse kadib laga saaray. Hase yeeshee Magufuli uu 14-kii March mar kale dareemay xanuun oo loola cararay isbitaalka Emilio Mzena Memorial Hospital ee Dar es Salaam.

Magufuli ayaa markii ugu dambeysay si shaacsan loo arkay 27-kii Febraayo, waxaana uu saddex Axad oo isku xigta uusan ka qeyb-galin Kaniisadda oo uu tegi jiray Axad kasta kana jeedin jiray khudbado xiiso leh.

Hoggaamiyaha mucaaradka Tundu Lissu oo soo xiganaya ilo-wareedyo ayaa sheegay in Magufuli uu qaaday Coronavirus, islamarkaana lagu soo daweynayey dalka dibaddiisa.

Magufuli ayaa la doortay 2015-kii, wuxuuna ku caan baxay inuu ahaa hoggaamiye la dagaalama musuq-maasuqa taasi oo shacabka jecleysiisay, hase yeeshee wuxuu kadib ku dhacay kali-talisnimo isaga oo billaabay inuu caburiyo warbaahinta, mucaaradka iyo bulshada rayidka ah.

Wuxuu inkiray jiritaanka Coronavirus markii uu soo shaac baxay, hase yeeshee wuxuu kadib soo jeediyey in duco lagu wajaho cudurkan intii la xiran lahaa af-xirka.  

Waxa uu sidoo kale ku jees-jeesay cudurka, isaga oo sheegay in tijaabo uu ka qaaday xoolo, babaay iyo khudaar kale ay soo saareeen natiijo ah in cudurka uu ku jiro, isaga oo ula jeeda inuusan jirin cudurkan.

Hase yeeshee markii bishii Febraayo la sheegay in madaxweyne goboleedkii Zanzibar uu u dhintay cudurka, ayuu Magufuli qiray in cudurka uu jiro. 

Sida uu qoray dastuurka Tanzania, Samia Suluhu Hassan ayaa noqon doonta haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota dalka, waxayna xisbiga talada haya ee CCM kala tashan doontaa inay soo magacowdo madaxweyne ku-xigeen.