Uganda oo ciidamdeeda keydka ah u soo direysa Soomaaliya + Sababta

Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ciidamo hor leh oo ka tirsan kuwa Keydka ay u soo direyso gudaha Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan howl-galka Midowga Afrika AMISOM ee lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab.

Ciidamadan oo gaaraya illaa 2,752 oo askari ayaa haatan ku sugan xarunta tababarada taageerada Nabadda ee Singo, si loogu tababaro halkaasi.

Uganda ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamadaasi ay Soomaaliya soo gaarayaan inta u dhaxeysa bisha October ee sanadkan, illaa bartamaha sanadka kale ee 2022-ka.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay dowladda Uganda in ciidamada ay soo direyso ay bedali doonaan kuwa kale oo ku sugan Soomaaliya oo dhameystay joogitaankooda.

Wadanka Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee ay ka socdaan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee haatan howl-gallada ka wada gudaha Soomaaliya, waxaana ay garab siiyaan ciidamada Xoogga dalka ee haatan dagaalka adag kula jiro kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba howl-galka AMISOM ayaa soo billowday sanadkii 2007-dii waxaana tan iyo markaasi ciidanka Midowga Afrika ay howl-gallo ka wadaan gudaha Soomaaliya.