Xildhibaan baarlamanka Jubaland ka tirsanaa oo u geeriyooday Coronavirus

Kismaayo (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaallo xeebeedka Kismaayo ku dhintay Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish oo ka tirsanaa baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland, kaas oo la xanuunsanaa Covid-19.

Xildhibaanka oo uu maalmo ka hor soo ritay cudurka Coronavirus ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland, MudaneAxmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sidoo kale war kasoo saaray geerida xildhibaanka, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in marxuumka uu door-weyn kasoo qaatay dhismaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

“Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish wuxuu ahaa shaqsi Alle ka cabsi leh oo mar walba u taagnaa sidii loo xoojin nidaamkeena Dowladnimo isagoo labo mar oo hada ay u danbaysay ahaa Xildhibaan intii uu shaqadan hayayna ku suntanaa xilkasnimo” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam |(Axmed Madoobe)

Hoggaamiyaha Jubbaland ayaa ugu dambeyn Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaana uu ka siiyo qoyskiisa & qaraabadiisa.

Cudurka saf-marka ah ee Coronavirus oo mar labaad kusoo laba-kacleeyey gudaha Soomaaliya ayaa haatan fara kulul ku haya guud ahaan dadka Soomaaliyeed, waxaana marba marka ka dambeysa sii kordhaya dadka uu soo ridanayo iyo kuwa dhimanaya.