Qoor Qoor iyo mucaaradka oo isku fahmi waayay shirkooda – Maxaa la isku qabtay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay qaar ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya waxa uuna kala hadlay muranka la xariira doorashada Soomaaliya.

Qoor Qoor oo shalay uun dalka ugu soo laabtay ayaa Midowga Musharaxiinta u sheegay halka ay mareyso siyaasadda Soomaaliya iyo culeesyada kale ee dalka ka jira, gaar ahaan dhibaatooyinka ku geedaaman shirka muhiimka ah ee looga hadlayo doorashada Soomaaliya. 

Ilo wareedyo muhiim ah oo kulankaan goob joog ka ahaa ayaa Caasimada Online u sheegay in Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay Madaxweyne Qoor-Qoor u gudbiyeen eedeymo culus oo ku saabsan in go’aankiisa siyaasadeed uu gacanta u geliyay Villa Somalia iyo inuusan marna dhex dhexaad ka aheyn muranka doorashada Soomaaliya. 

Madaxweynaha Galmudug ayaa iska difaacay eedeymaha loo jeediyay isagoo u sheegay in mucaaradka ay la safteen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, halka ay mucaaradkana sheegen in aysan la safan balse ay u arkaan labada Madaxweyne ee kali ah ee doonaya qabashada doorasho heshiis lagu yahay.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo kulanka goob joog ahaa Caasimada Online u sheegay in kalsooni darro weyn ay soo kala dhax-gashay Madaxweynaha Galmudug iyo Mucaaradka kadib doodo hareeyay kulankii ay yeesheen. 

Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu tiriyaa shaqsiyaadka ugu dhow ee Madaxweyne Farmaajo waxa uuna maalmihii la soo dhaafay ku maqnaa dalka Turkiga taas oo loo arkay in ay ka dambeysay Villa Somalia.