Maxaa ka jira in madaxweyne Farmaajo uu ka tanaasulay inuu mar kale is-sharxo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee ololaha doorashada u qaabilsan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xiriir uu lasoo sameeyay Caasimada Online ku beeniyay warar suuqa iyo baraha bulshada lasoo geliyay oo sheegayay in Farmaajo ka tanaasuli doono murashaxnimadiisa iyo inuu mar kale u tartamo xilka madaxweynenimo.

Mas’uulkaan oo ka gaabsaday magaciisa ayaa sheegay in madaxweynuhu qorshahiisa uu yahay mid degsan oo muddo laga soo shaqeynayay, haadana la joogo xiligii munaasabka ku aheyd inuu ka miro dhaliyo.

Waxa uu intaas ku daray in madaxweynaha uu sida ugu dhaqsiyaha badan u shaacin doono murashaxnmadiisa iyo in bulshada Soomaaliyeed uu u xaqiijiyo inuu xiligiisii labaad uu u taagan tahay xilka madaxweyne.

“Madaxweynuhu qorshahiisa waa mid degsan, oo aan habooneyn in fadhi ku dirirada looga hadlo, waana arrin qaran, qorshaha madaxweynaha ee ku aadan badbaadinta dalka iyo heykalka qaranimo wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo quseysa uu la wadaagi doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu yiri mas’uulkaasi ka tirsan xafiiska ololaha doorashada Madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu beeniyay mas’uulkaasi islamarkaana ku-tiri-kuteen ku tilmaamay wararkaasi tilmaamaya in Farmaajo uu tanaasuli doono, isagoona sheegay in uusan joogin meel uu ku tanaasulo, maadaama buu yiri dalka iyo dadka ay u baahan yihiin.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa kooxaha mucaaradka ay baraha bulshada iyo saxaafadda qaar ku baahiyeen in madaxweynaha uu tanaasuli doono, markii uu arkay guusha Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi.

Sababta ugu weyn ee “tanaasulka” Farmaajo ayaa lagu sheegay cabsi uu ka qabo guul-darro xooggan iyo bahdil uu kala kulmo doorashada, taasi oo hadda ay beenisay Villa Somalia.