Sababta ay u tanaasushay Khadiija Maxamed Diiriye oo kaamiro ay fashilisay (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, doorashadii guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka iyo aqalka sare, waxay murashaxiintii tartameysay iyo xildhibaanadaba ciyaareen siyaasad dad badan ay ku jah-wareereen, oo dhinac loo raaco la garan waayay.

Siyaasadda iyo isbadalka koowaad ee doorashadii guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Hoose oo loo adeegsaday dhaqaale waali ah waxaa ciyaaray Maxamed-weli Cabdalle Axmed oo ciyaartaasi siyaasadeed usii gudbiyay Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar si meesha looga saaro murashaxa laga guuleystay ee Maxamed Cali Cumar (Caano-nuug) oo Jubbaland ku madalayay doorashadaasi.

Maxamed-weli Cabdalle Axmed: 59 cod, keensaday wareegii koowaad uuna ahaa murashaxii ugu codka sareeyay ayaa sheegay inuu u tanaasulay halka dumar si loogu hiiliyo haweenka si sinnaan u helaan haweenka oo ay ka dhex muuqdaan guddoonka baarlamaanka.

Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo Kutlo uu hoggaaminayay Aadan Madoobe taageerayay kana goosatay N&N ayaa qalqal gelin kartay haddii ay tartami laheyd murashax Caana-Nuug, balse madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa gorgortan la galay, waxaana isla goobta ay ka sheegtay inay codkeeda siisay Caana Nuug sida ka muuqata kaamirooyinka ay qabteen xiligii gorgortanka uu socday iyo heshiiska oo xildhibaano caan ah iyo siyaasiyiin garwadeen ka ahaayeen sida Xildhibaan Jacfar, Xildhibaan Saadaq Joon, Yuusuf Indha Cadde iyo xildhibaano kale oo culeys ku saaray inay go’aankeeda badasho.

Khadiijo Diiriye ayaa Deni ka dalbaday lacag dhan 300,000 dollar in isla xiligaas lagu soo shubo acounkeeda, waxayna markii ay hubsatay inay guddoontay lacagtaasi ay si cad u shaacisay meesha uu codkeeda aadayo iyadoo u hadashay si aan wanaagsaneyn oo sumcadi ay ku jirtay.

Intaasi kadib, waxaa guuldaro xanuun badan ku dhacday dadaalkii Saciid Deni, oo waxaa goobta si fudud ugu soo baxday xildhibaanad Sacdiya Yaasiin Samatar oo ka faa’iideysatay naceybka ay xisbiga Himilo Qaran iyo Nabad iyo Nolol u qabeen Axmed Madoobe, sidaasina ku heshay midowga cododka Nabad iyo Nolol iyo Himilo Qaran.

Doorashadaani ayaa waxaa laga baran karaa dhowr cashar, iyadoo aysan jirin cid gaar ah oo ku xisaabtami kareysay guul inay heleyso in ay isbadali karaan wax walbo sida dhacday.