Xog: Saciid Deni, Sheekh Shariif iyo Khadiijo Diiriye oo dhabar jabiyay Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in doorashadii guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka oo ay ku tartamayeen toban murashax ay ka abuurmeen isbaheysiyo siyaasadeed oo cusub.

Doorashada ayaa waxaa wareeggii koowaad ugu cod batay afar musharax oo codadka u kala helay sidan:

1. Maxamed-weli Cabdalle Axmed: 59 cod. Waa xildhibaan ku cusub baarlamaanka islamarkaana ku fadhiya kursigii C/weli Muudeey oo loo diiday inuu u dhoofo magaalada Baraawe ee deegaan doorashadiisa, taageerana ka helayay Villa Somalia

2. Maxamed Cali Cumar (Caano-nuug): 58 cod. Waxa uu kasoo galay maamul goboleedka Jubaland, taageerayayna Axmed Madoobe iyo Deni, taageeradaas oo ku dhisneyd heshiis hoosaad horay u dhex maray labada maamul in Puntland qaadato Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare, iyo in Jubbaland ay hesho guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee aqalka hoose.

3. Sacdiya Yaasiin Xaaji (Samatar): 52 cod. Waxay deegaan doorashadeeda tahay Puntland waxayna si lama filaan isugu soo sharaxday guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee aqalka baarlamaanka, taasoo meel ka dhac ku aheyd heshiiskii ay horay u gaareen Puntland iyo Jubbaland, kana hortimid dalab uu Saciid Deni hordhigay oo aheyd ineysan is-sharxin.

4. Khadiijo Maxamed Diiriye: 21 cod. Waxaa dhisayay Kutlo uu hoggaamiyo Aadan Saransoor waxayna ka goosatay Nabad iyo Nolol.

Waxaa dhacday in Maxamed-weli Cabdalle Axmed oo ku horeeyay cododka ugu badan ee xildhibaanada ayaa si lama filaan ah ugu tanaasulay Sacdiya.

Deni oo diidan sideey wax u socdeen, xadgudubna ku ah heshiiska siyaasadeed ee Puntland iyo Jubbaland ayaa wuxuu xiriir lasoo sameeyay Khadiijo maxamed Diiriye isagoona u balan qaaday 300,000 dollar si ay cododkeeda ay ugu tanaasusho Caana Nuug oo Jubbaland ka socday isagoo ugu talagalay inuusan burburin heshiiska labada maamul.

Khadiijo Diiriye oo ogolaaday dalabka Deni ayaa waxay u tanaasushay Caana-Nuug iyadoo kaamirooyinka qabanayaanna waxay cod dheer ku tiri iyadoo farta ku fiiqeyso “Aniga iyo Beene Beene cododkeena waxay aadayaan Caana-Nuug.”

Nabad iyo Nolol oo meeshaasi fursad qaali ah ugu soo baxday ayaa u wareegay xildhibaanad Sacdiyo Yaasiin oo taageero ka heleysa Xisbiga Himilo Qaran ee Shariifka.

Guuldaradaasi Caana Nuug ku habsatay oo sababteeda laheyd Khadiijo Diiriye iyo Saciid Deni ayaa dhanka kale xildhibaanada Himilo Qaran ee Shariifka waxay dhankooda caddaawad u arkeen in Caanna Nuug oo Axmed Madoobe taageerayay uu soo baxo codkoodana u wareejiyay xildhibaanad Sacdiyo.

Isku soo wada duub natiijadii doorashooyinka aqalka sare iyo aqalka hoose ee kusoo gabagabowday in xildhibaano kasoo jeeda Puntland ay ku wada guuleysteen guddoomiye kuxigeenada labada aqal inkastoo siyaasad ahaan aysan madalin Puntland laakiin deegaan doorashadoodu ay tahay Puntland.

Waxayna taasi guul u tahay Nabad iyo Nolol iyo xisbiga Himilo Qaran oo meel bannaan fursad qaali ah ka helay, lamana dhihi karo guuldaro usoo hoyaday Nabad iyo Nolol.

W/Qoray: Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online, Muqdisho