Caana-nuug oo shaaciyey sababta guul-darradiisa iyo dhabar-jabin lagu sameeyey

Muqdisho (Caadimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay guuldaradii uu kala kulmay tartanka doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka oo ay uga adkaatay Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Waxa uu arrimaha guul-darradiisa sabab uga dhigay saaxiibo ku ballan furay, kuwo hagardaamiyay iyo kuwo baadida la daydayay se rabay in aananu helin, sida uu hadalka u dhigay. 

Caana-nuug, oo u hadlay sida qof guuldarrada ay gubtay, ayaa sidoo kale sababta guul-darradiisa qeyb uga dhigay wax uu ugu yeeray “isku milanka raggii aan aagga kuwada jirnay ee Mucaaradka aan ahayn iyo kuwii aan aagga isugu jirnay.” 

Hoos ka aqriso qoraalkiisa

Safar dheer, shaqo badan iyo dadaal mudo sanad ku dhow aan waday waxaa Alle mahadii ah in aan galabta soo gaban-gabeeyay Ololihii aan ugu jiray xilka Guddoome ku xigeen ka kaad ee GSHS, waxaa ay ahayd marxalad siyaasadeed oo aad muhiim iigu ah, oo aan ka soo kasbaday khibarad, aqoon iyo waayo aragnimo. 

Sidaas darteed waxaan si mug leh ugu mahad-celinayaa dhammaan xildhibaanada sharafta leh ee codkooda igu sharfay iguna maamuusay, mid mid ayaan idiinkugu mahadcelinayaa waana abaal aan xasuusnaan doono, oo aan gudi doono haduu Alle idmo, sidoo kale waxaan si aan la cabiri karin ugu mahadcelinayaa dhalinyaradii Gabdhaha iyo Wiilasha ba lahaa ee sida dadnimada leh igala shaqeeyay Ololaha mudadadii uu socday, Abakiina dhamaantiin Alle ayaa gudi karo. 

Inkasta oo aanan ku guuleysanin, guushuna tahay qadarta Rabbi hadana waxa aan la inkiri karin arimo badan oo keenay guul-darada, saaxiibo ballan furay, kuwo na hagardaamiyay iyo kuwo baadida nala daydayay se rabay in aanan helin intaba waa jireeen balse waxaa fajaciso igu ahayd isku milanka Raggii aan aagga kuwada jirnay ee Mucaaradka aan ahayn iyo kuwii aan aagga isugu jirnay, waa darsi cusub oo siyaasadeed oo aan caawa bartay balse Mar idage Alle ha dago, mar labaadse anaan ba dagmi doonin IA. 

Ugu dambeyn waxaan caddeynayaa in aanan niyad jabin, guushana aysan ahayn kaliya kurskga balse tahay Hannka iyo Shaqada, waxaan u xaqiijinayaa saaxiibadey, taageerayaasheyda iyo dhamaan Ummadda Soomaaliyeed in aan horay u socon doono aan isbadal waxtar leh ka qayb gali doono hoggaamintiisa, kaas oo lagu dhisi doono Dowlad Shacabka Soomaaliyeed ay ku farxi doonaa  kuna naaloon doonaan, lehna Hoggaan lagu kalsoonaan karo lana soo tijaabiyay. 

Libaax Nin Ganay iyo Galaday ba og.
Mahadsanidiin.
Wabillaahi Al-towfiiq