Xog: Safiir Xamar laga soo diray oo qufushay safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga

Roma (Caasimada Online) – Safiir cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya u magacowday safaaradda Soomaaliya ee Roma Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur ayaa albaabada safaaradda qunful ugu xertay inuusan soo gelin safiirkii horay u fadhiyay oo aan xil wareejin sameyn.

Safiirkan ayaa sida aan xogta ku helnay waxa uu kasoo jeeda beesha Mareexaan, waxaana loo soo magacaabay si looga gaarsiiyo xilliga kala guurka iyo waqtiga dowladda ee dhammaadka ah.

Safiirkii hore ee xil ka qaadista lagu sameeyay Cabdiraxmaan Sheekh Ciise oo heyb ahaan kasoo jeeda beesha Abgaal ayaa ciidamada booliska Talyaaniga u yeeray si ay usoo fara geliyaan khilaafka iyo labadooda.

Qareenka safiir Cabdiraxmaan Sheekh Ciise oo la yiraahdo Cali Abuukar Xaayoow ayaa hay’adda garsoorka Talyaaniga weydiistay inay soo farageliyaan, iyadoo dacwad ka dhan ah safiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibada magacowday iyo xubno kale oo la magacaabin ayaa loo gacan geliyay dacwad oogaha lagu magacaabo Giancarlo Cirielli.

Safiirkii hore ee xilka laga qaaday ayaa cuskanaya sharciyada uu xaqa u leeyahay inuu xilka wareejiyo iyo in xiligaan khalalaase siyaasadeed ay jiraan, taasoo dowladda Talyaaniga ku kaliftay inay go’aan ka qaadan weydo marka laga reebo heer maxkamadeed.

Safiir Cabdiraxmaan Sheekh Ciise ayaa albaabada safaaradda laga xertay, waxaana uu sheegay in uu naftiisa u baqayo oo cabsi ay soo wajahday.

Murankaan iyo fadeexadaan foosha xun ayaa wax tallaabo ah ka qaadin dowladda federaalka oo xiligaan ku howlan ololaha doorashada, waxayna aheyd in xal deg deg ah ka gaarto fadeexadaan soo cusboonaaday.