Sawirro: Hay’adda NISA oo soo bandhigtay sarkaal 8 sano ka tirsanaa Al-Shabaab

Baydhabo (Caasimada Online) – Taliska Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay mid kamid ah Saraakiisha Ururka Al-Shabaab ee mudada dheer ka tirsanaa kooxdaan.

Sarkaalka lasoo bandhigay ayaa waxaa lagu magacaabaa Ciise Cumar Deerow Isxaaq, wuxuuna kamid ahaa dagaalyahanada jabhadaha.

Sida ay sheegeen saraakiisha Hey’adda NISA ee Koonfur Galbeed, sarkaalkaan ayaa kooxda Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 8 Sano ah, wuxuua kasoo qeyb qaatay dagaalo badan oo ay kooxdaan ku qaaday ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ciise Cumar Deerow oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegy in uu qeyb ka ahaa dagaalo dhowr ah oo ka dhacey Gobolada Jubbooyinka iyo Baay.

Sarkalkan waxa uu sheegey in sababta uu usoo goostay ay qeyb ka tahay  go’doominta gobolada uu kasoo jeedo, taasoo uu ku tilmaamay Fikir qaldan oo shacabka lagu dhibaateeyay.

Sidoo kale, Hay’adda Nabadsugida ayaa soo bandhigtay hub uu kala soo goostey Al-Shabaab oo ay kamid yihiin 2-qori oo AK47 & hal BKM ama Dabajeex.

Sababta uu kooxdaan uga soo baxay ayuu sarkaalkaan ku sheegay inuu fahmay dhibaatada ay shacabka ku hayaan, wuxuuna ugu baaqay dhallinyarada kale ee weli kasii tirsan Ururka Al-Shabaab inay isaga soo baxaan.

Saraakiisha Ciidamad Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa dhankooda u mahadceliyay Ciise Cumar maadama uu kasoo baxay Ururka Al-Shabaab,

“Ciise Cumar Deerow oo ah Horjoogaha isku soo dhiibey Ciidamada Nabdsugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa hoosta ka xariiqey inuu fahmey dhibaatada ay shacabka u maleegayaan Kooxda Nabad-diidka ah, wuxuuna sidoo kale sheegay in dhalinyarada la marin-habaabiyey oo la qaldey loona sheegey Fikir xagjirnimo ah ay wada Fahmeen oo ay go’aansadeen inay dib ula mid noqdaan Shacabkooda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda nabad sugida Koonfur galbeed.

Ugu dambeyntii Hey’adda NISA ayaa ugu baaqday dhallinyarada ka tirsan kooxda Al-Shabaab inay isku soo dhiibaan laamaha amniga, waxayna hey’adda ballan qaaday inay si naxariis ku jirto usoo dhaweyn doonto.