Maxaa ka jira in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu safar ku tagayo dalka Sweden?

Hargeysa (Caasimada Online) ― Waxa maalmihii u dambeeyay aad loo hadal hayey safar la sheegayo in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, uu ku tagi doono caasimada dalka Sweden ee Stockholm.

Wararkaasi ayaa waxa si cad u beeniyay xafiiska Somaliland ay ku leedahay dalka Sweden oo war-saxaafadeed kasoo saaray.

Xafiiska Somaliland ee Sweden ayaa sheegay inaysan jirin safar qorsheysan oo uu Madaxweyne Muuse Biixi ku imanayo Stockholm, oo ay ka arkeen warkaasi oo baraha bulshada wareegaya.

Wakiilka Somaliland ee Sweden, Sekeriye Xasan Wacays ayaa wararkaasi ku tilmaamey kuwa aan sal iyo raad toona laheyn oo xaqiiqda ka fog.

Danjire Sekeriye Wacays ayaa sidoo kale waxa uu ugu dambeyntiina jaaliyada Somaliland ee ku sugan Sweden uga mahad celiyay sida ay ugu xiiso qabeen in Madaxweynahoogu uu safar ugu imaado.

War-saxafadeedkan kasoo baxay xafiiska Somaliland ay ku leedahay dalka Sweden, ayaa waxa uu u qornaa sidan:

“Waxaan ku wargelinaynaa dhamaan shacabka Somaliland gaar ahaan bulshada Sweden in aanay jirin wax safar ah oo madaxweynuhu ku imanyo dalka Sweden. Sidoo kalena aanu wararkan ku aragnay uun baraha bulshada,

Aniga ka wakiil Ahaan (Zakariye Xasan Wacays) aanuu jirin wax xidhiidh ah oo aan arintan kala yeeshay madaxtooyada Somaliland , ka wakiil ahaana waxaan la xidhiidhay wasaarada arimaha dibada & Wasiirka waxayna ii sheegeen in aanuu jirin wax safar ah oo qorsheysan ama kedis ah oo madaxweynaha Somaliland uu ku imanayo dalka Sweden, Isla markaana wararka dhex wareegaya baraha bulshada aanay waxba ka jirin oo aanay run ahayn.

Ugu danbeyntii Safaarada Somaliland ee Sweden & Wakiilku waxay bulshada reer Somaliland gaar ahaan kuwa ku dhaqan dalka Sweden ay ugu mahadqanaysaa sida ay u xiiseynayaan imaanshiyaha madaxweynaha ee dalkan Sweden ee ay aadka ugu faraxsan yihiin in madaxweynahoodu uu ugu yimaado dalkan Sweden”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com