Boqor Buurmadow oo war cusub kasoo saaray jabhadii ka goosatay Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, oo kamida Madax dhaqamaeedka Somaliland ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay ciidan la sheegay inuu leeyahay oo ka goostay Somaliland.

Boqor Buurmadow ayaa iska fogeeyay oo sheegay inaysan jirin Ciidan iyo gaadiid dagaal oo isaga taabacsani ay ka goosteen Somaliland, kuna biireen Maamulka Puntland.

Buurmadow ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey inuusan marnaba ka suurto-galin inuu ku kaco falal khal-khal gelin kara dowladnimada Somaliland.

Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi ayaa shalay warbaahinta u sheegtay inay Somaliland ka goosteen ciidamo iyo gaadiid dagaal oo taabacsan Boqor Buurmadow, iyaga oo aan soo bandhigin wax cadeyn ah.

Si kastaba, Waxa maalmihii udambeysay soo if-baxeysay xiisad adag oo u dhaxeysa Xukuumada Muuse Biixi iyo Boqor Buurmadow, taasi oo salka ku haysa shir uu dhowaan ku baaqay boqorku oo xukuumadu ka biyo diidey.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com