Maxaa ka jira in magaalada Hargeysa uu qofkii labaad ugu geeriyooda COVID-19

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in qof looga shikisanaa cudurka Coronavirus uu ku dhintay gudaha magaalada Hargeysa, xili uu ku jiray Karantiilka dowladda.

Somaliland ayaa sheegtay in Ruuxaasi uu geeriyooday isaga oo aysan iman natiijada kasoo baxday baaritaankaasi, isla markaana ay bulshada la wadaagi doonaan natiijada kasoo baxda baaritaankaasi oo dhowaan la filayo inuu soo gaadho wasaarada.

Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Somaliland oo warbaahinta la hadlayey ayaa xaqiijiyey in qofkaasi looga shakisanaa cudurka Coronavirus uu ku geeriyooday Hargeysa, isagoona xusay inuu lahaa calaamadihii lagu aqoonsanayey cudurkaasi.

Agaasimaha ayaa sheegay inay u aaseen marxuumkaasi sidii qof u dhintay cudurka Coronavirus, si looga hortago in uu sii faafo cudurkaasi, iyagoona ula tacaamulay qof qaba cudurkaasi oo u dhintay, inkasta oo aysan soo bixin natiijada baaritaankiisa.

Marxuumkan looga shikisanaa Coronaha ee ku dhintay Hargeysa ayaa noqonaya Qofkii labaad ee gudaha Somaliland ugu geeriyooda cudurkaasi, haddii si rasmiya ay u xaqiijiso Wasaaradu inuu qabay cudurkaasi.

Shalay unbay aheyd markii ay Somaliland shaacisay in qofkii ugu horeeyay uu cudurkaasi ugu dhintay magaalada Hargeysa, kaasi oo natiijada baaritaankiisu uu yimid maalin kadib markii uu cudurkaasi ugeeriyooday.