Muqdisho (Caasimadda Online) – Sagaal askari oo ka tirsan Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda ayaa la karantiilay kadib markii la xaqiijiyey inay la kulmeen askari ka tirsan Ciidamada AMISOM oo cudurkaan laga helay dhawaan.
29 Bishii hore UPDF ayaa xaqiijisay in askar ka tirsan Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ee ku sugan Soomaaliya laga helay cudurka Coronavirus oo si weyn ugu faafayo adduunyada.
Askarigaas laga helay cudurka ayaa la shaaciyey in lagu daawaynayo xarun caafimaad oo ku taal gudaha Magaalada Muqdisho.
Xaaladda Caafimaad ee askarigaas ayey Ugandha xaqiijisay inay tahay mid fiican, waxaana laga helay calaamado kamid ah kuwa COVID19 sida Qufac iyo Hargab.
Ku xigeenka Afhayeenka ciidanka Difaaca Uganda Lt Col Deo Akiiki ayaa sheegay in iyadoo laga fogaanayo inuu cudurkaan ku faafo xarumaha ciidamada AMISOM la qaadayo tallaabooyin dheeraad ah oo ay ugu horeysay in la karantiilay dhammaan askartii la kulantay askarigaas tan iyo markii lagu arkay calaamadaha.
” Dhammaan xeryaha ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM ee gudaha Soomaaliya waxaa lagu rakibay qalab lagu diyaariyey biyaha lagu dhaqo gacmaha, hawlgalkuna horay uu u socdaa”ayuu yiri Akiiki oo la hadlayey saxaafadda.
Illaa iyo hadda gudaha Soomaaliya waxaa laga diiwaan geliyey illaa 601 kiis oo COVID19, waxaana sidoo kale la xaqiijiyey inay cudurkaan u geeriyoodeen 28 qof, halka 31 kalana ay kasoo bogsadeyn.

