Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye, Maxamed Xasan Xaad ayaa beeniyey warar dhowaanahan aad looga hadal hayey magaalada Muqdisho, oo ku saabsanaa inuu ka hor-yimid dowladda.
Wararkan ayaa waxa ay sheegayeen in Xaad uu diyaarinayey kulan weyn oo ay isugu yimaadeen beelaha Hawiye, loogana soo horjeedo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Wararkaas ayaa sii xoogeystay intii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku maqnaa magaalada Kismaayo, ayna jireen warar sheegaya khilaaf madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha u dhaxeeya. Xaad ayaa waxa ay isku beel yihiin ra’iisul wasaaraha.
Si kastaba, Gudoomiyaha Gollaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye, Maxamed Xasan Xaad, ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin inuu ka hor-yimid dowladda, kana hor-iman doonin.
Nabadoonka ayaa sheegay in wararkaasi ay baahiyeen dad dano gaar ah leh, kuwaasi oo uu ku tartarsiiyay in ay ka waan-toobaan, isla markaana ay ka qayb-qaataan dib u dhiska wadanka.
Halkaan hoose ka dhageyso wareysi uu siiyay Nabadoon Xaad siiyey Idaacadda Shabelle oo uu kaga hadlayo arrintaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]