Somaliland oo ogolaatay dalab ka yimid DP World

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa aqbalay Codsi uga yimid Shirkadda DP World ee gacanta ku heysa dekedda Magaalada Berbera, taasoo aheyd in sare loo qaado lacaggaha laga qaado ganacsatadda adeegsata dekedda.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) ayaa sheegay in ay DP World u ogolaadeen in lacagaha tafaariiqda ah ee ay ka qaaddo alaabaha kasoo degaya dekedda ay ku qaadato qiimaha suuqa, halka markii hore ay ku qaadan jirtay qiimaha baanka dhexe ee Somaliland.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ganacsatada Somaliland ay joojisay inay cashuurtaan alaabooyinka kala duwan ee uga soo degay dekedda Berbera, ka dib markii ay shirkadda DP world ee maamusha dekedda Berbera dhaqan gelisay wax ka bedel ay ku samaysay sarrifka lacagta.

DP world ayaa 12 March waxay bilowday inay sarrifka halka dollar noqdo 8500 oo lacagta Somaliland, isagoo markii hore halka dollar ahaa 7000 oo lacagta Somaliland.

Ganacstada ayaa wixii ka bilaabmay 12 March waxay joojiyeen inay la soo baxaan oo ay cashuurtaan alaabta u taala dekedda Berbera, waxaana shirar ay ganacsatadu yeesheen ku go’aamiyeen inay joojiyaan la soo bixista badeecadahooda.

Wasiir Saajin wuxuu ganacstada dekedda Berbera alaabaha kala soo dega ku amray in ay si degdeg ah ugala baxaan alaabtooda, kuwaasi oo uu sheegay in iyagoo ka xun arrintan ay diideen in ay alaabaha kala baxaan dekedda.

Hoos ka dhageyso wasiirka

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com