Maxaa ka jira inay Somalia u yeeratay safiirkeeda Kenya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib safarkii uu hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) uu ku tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa mad-madow badan soo dhex-galay xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa isla Sabtidii markii uu Axmed Madoobe ka degay Nairobi waxay safiirka Kenya u jooga Muqdisho u dhiibtay warqad cabasho ah oo ay dowladda ku dooneyso in loo fasiro sida ay arrintan ku dhacday.

Sidoo kale waxaa tan iyo markaas oo baxayay warar la isla dhex-marayay oo sheegayay in dowladda federaalka Soomaaliya ay u yeertay safiirkeeda u fadhiya Kenya, si uu u yimaado Muqdisho.

Caasimada Online oo xiriir kala duwan la sameysay madaxda sare ee wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxaa naloo xaqiijiyay in warkaasi aysan waxba ka jirin, ayna baraha bulshada ku faafinayaan dad dano gaar ah leh.

Masuuliyiinta ayaa noo xaqiijiyay in ay jiri karaan tallaabooyin culus oo looga jawaabayo xad-gudubka Kenya, balse ay haatan jawaab ka sugayaan safiirka Kenya u fadhiya Muqdisho oo fasiraad dhameystiran laga dalbaday sida ay arrintaan ku dhacday.

Kenya ayaa Sabtidii caddeysay sida ay u garab taagan tahay Axmed Madoobe, iyadoo ka caawisay in waxba kama jiraan laga soo qaado waarankii soo qabashada ahaa ee dhawaan ay dowladda Soomaaliya dul dhigtay hoggaamiyaha Jubbaland.

Tallaabadan ayaa si weyn uga carootay dowladda federaalka Soomaaliya, oo haatan markale lagu wado inay gasho dagaal diblumaasiyadeed ka dhan ah Kenya, xilli ay dhawaan kasoo baxday dagaalka Itoobiya, oo ayadu horraanta sanadkii tegay heshiis is-afgarad la gaartay Somaliland.