Xasan oo lagu tusaaleyay Erdogan iyo codsi yaab leh oo u direy wasiir ka tirsan DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu haatan hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorsheynaysa in dalka ka qabato doorasho qof iyo cod ah, taas oo si weyn u diidan yihiin mucaaradka.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cali Yuuusf Cali Xoosh oo qorshahaan door muhiin ku leh ayaa waxa uu ku dooday in la joogo xilligii fursad kale oo waxqabad la siin lahaa madaxweyne Xasan Sheekh, halka 4-tii sano mid aan la aqoon la dooran lahaa, uuna sii hayo talada dalka.

Wasiir Cali Xoosh ayaa waxa uu tusaale usoo qaatay Mahatiir Maxamed oo ahaa ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Malaysia muddo dheer iyo inta jeer ee uu hogaaminayay dalkaasi ee dib loo doortay.

Halka uu sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ku tusaaleeyay Erdogan-ka Turkiga oo ah nin ay si weyn u jecel yihiin Turkida, islamarkaana dhowr doorasho oo dalkaasi ka dhacdayna ku guuleeystay.

“Ummadda Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay inay fursad siiyaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo aan 4-tii sano mid aan la aqoon inta la dooran lahaa uu kursiga joogo madaxweynaha hadda talada haaya,” ayuu yiri wasiir Cali Xoosh.

Hadalka wasiirka oo noqday mid dad badan la yaabeen ayaa waxa uu shaki galin karaa hufnaanta doorashada ay ka shaqeynayso dowladda dhexe, taasi oo haatanba ay diidan yihiin madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Dowladda Xasan Sheekh ayaa wajaheysa eedeymo culus oo ay kamid yihiin ku tagri-fal awoodeed iyo barakicin dadweyne, iyadoo inta uu haatan tallada hayo la iibiyay dhulkii u badnaa ee danguud ah.