Maxaa ka jira in meel adag uu gaaray Khilaafka ka dhexeeya  Guddiga Dastuurka iyo Wasaarada Dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida laga soo xigtay xubno ka tirsan Guddiga Dastuurka waxaa cirka isku sii shareeray Khilaafkii u dhexeeyay Wasaarada Dastuurka iyo sidoo kale Guddiga Dastuurka.

Khilaafka labada dhinac ayaa xoogeystay kadib markii Guddiga Dastuurka ay si bareera u diideen howlaha uu waday Wasiirka Wasaarada Dastuurka Xoosh.

Guddiga ayaa sheegay laba maalin un ka hor inay kalsoonida kala noqdeen Wasiir Xoosh, islamarkaana  ay ku war galiyeen Gudoonka Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga ayaa sheegay inaanu socon doonin awoodaha uu adeegsanaayo Wasiir Xoosh, xili ay jiraan cawaaqiib gaara oo hortaagan howlaha Dastuurka.

Qodobada loo cuskaday eedeymaha loo jeediyay Wasiir Xoosh, ayaa waxaa kamid ahaa inuu ka baxay wada shaqeyntii ay ka lahaayeen arrimaha Dastuurka, isagoo keligiisa isku koobay shaqada Dib u eegista loogu sameynayo Dastuurka.

Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Guddiga Dastuurka Aqalka Sare ayaa xaqiijiyay in meel xun uu iminka gaaray Khilaafka.

Waxa uu sheegay Xuseen Sheekh in Khilaafka uu saameyn ku yeeshay xitaa shaqaddii dastuurka ee la doonayay in la meelmariyo.

‘’Waxaan qirayaa in Khilaafka uu iminka gaarsiisan yahay meel xun, waxaan ku talineynaa in madaxda ugu sareysa dalka ay kusoo sameeyan faragalin’’

Sidoo kale, Xuseen Sheekh, ayaa intaa ku daray haddalkiisa in Wasaarada dastuurka ay noqotay Fadhiid, Wasiirkana la doonaayo in meesha uu ka baxo si loo bilaabo howlaha dastuurka.

Xildhibaanka ayaa cadeeyay in Khilaafka uu gaari doono heer xun oo aan daba qabasho laheyn, waxa uuna ku baaqay in wax laga bedelo Khilaafka.

Haddalka Xuseen Sheekh ee arrinta Khilaafka ayaa kusoo beegmaaya xili dhammaan Hay’adaha dowlada ay yihiin kuwo madaxa isugu jira.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com