Sawiro: Maxaabiis laga keenay dalka Libya oo Muqdisho la soo gaarsiiyay iyo dowladda Farmaajo oo..

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray 13 ka mid ah dhallinyarada Soomaalida ah ee ku xir xirnaa Dalka Liibiya,halkaas oo ay gacanta ugu jireen Magafayaasha dalkaasi.

Mas’uuliyiin ka mid ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhallinyaradan ku soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dhallinyaradan soo celintooda waxaa fududeysay dowladda Soomaaliya iyo hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM,taas oo dhallinyarada ka sooq aadday Liibiya.

Waa qaybtii labaad dhalinyaro dowladda Somaliya ay dib uga soo celisay dalka Libya, kuwaasi oo u dulqaadan waayay dhibaatooyinka kala duwan ee ay kala kulmaan xabsiyada dalka Libya.

Qaar badan oo ka mid ah dhalinyarada ku jira xabsiyada dalka Libya ayaa iska diiday inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, waxayna sheegeen inay ka miro dhalinayaan hadafka tahriibkooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa u saartay wafddi uu hoggaaminayo danjiraha Soomaaliya ee Yurub Cali Siciid Fiqi in inta oggol maxaabiista Soomaalida ah ee ku maqan Liibiya dalka dib loogu soo celiyo.