Faahfaahin ku saabsan Imaaraatka oo faragalin ku haya Maraykanka

Washington (Caasimadda Online) – BBC-da waxa ay heshay emailo qarsoodi ah oo lasoo dusiyay, kuwaas oo muujinaya isku day dowladda Imaaraatka Carabta ay ku doonaysay in ay ku farogaliso arrimaha Maraykanka.

Waxaa ka mid ah email muujinaya in Imaaraatka ay Trump ka doonayeen in uu shaqada ka eryo wasiirka arrimaha dibedda Rex Tillerson, kaas oo ay u arkeen in uu u dabacsanyahay dowladda Qatar oo ay iyaga is hayaan.

Ninka Trump maalgaliya ee lagu magacaabo Elliot Broidy ayaa la kulmay madaxweyne Trump, kalana hadlay in uu Tillerson xilka ka diro.

Ninkani ayaa dalka Imaaraatka ka heysta qandaraasyo malaayiin doolar ku kacaya oo ganacsi ah.

Broidy ayaa emailada la heley ku eedeeyey in ay ka jabsatay dowladda Qatar sida uu sheegay afhayeen u hadlay. Balse dowladda Qatar ayaa beenisay eedeyntaas.

Sida emailada la heley ku cad, Broidy waxa uu u ololeeyay in Maraykanka uu si buuxda u taageero Imaaraatka iyo Qatar, isaga oo xitaa Trump balan uga qabtay in uu la kulmo dhaxal sugaha Imaaraatka Maxamed Bin Sayid Al Nahyaan, balantaas oo uu Trump ogolaaday.

Tillerson ayaa horey u dhaleeceeyay go’doominta dowladaha carbeed ay saareen dalka Qatar.

Wasiirka ayaa sanadkii hore la kulmay cadaadis badan, iyada oo ay xitaa soo baxeen warar sheegaya in shaqada laga eryayo, taas oo ku qasabtay wasaaradda in ay shir jaraa’id qabato, islamarkaasna beeniso arrinkaas.

Waxa uu Broidy emailada u diray nin lagu magacaabo George Nader oo ah ganacsade asal ahaan kasoo jeeda dalka Lubnaan, balse Ameerikaan ah, kaas oo muddo aad u dheer u kala dab-qaadi jiray Maraykanka iyo dowladaha Bariga Dhexe.

Sida ay sheegayaan illo ku dhowdhow baaritaanka Robert Mueller ee fadeexada farogalinta Ruushka, Nader ayaa su’aalo laga weeydiiyay waxa uu ka ogyahay arrimaha Ruushka.

Horey waxaa u jiray in sir shaac ah ay tahay in safiirka Imaaraatka ee Washington Yuusuf Al-Cuteyba iyo wiilka uu Trump sodoga u yahay ay yihiin saaxiibo isu dhow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com