25.1 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

Faahfaahin ku saabsan laba Xildhibaan oo lagu dilay Qarax miino lala eegtay gaarigooda

Bookmark
Bookmarked

Share

Balli-doogle. (Caasimadda Online) – Sida ay sheegtay Warbaahinta labo xildhibaan oo ka kala tirsan maamullada Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle ay ku dhinteen qarax miino oo dhacay agagaarka Balli-doogle.

Fahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeyso Qarax haleelay Gaari ay la socdeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Maamullada Hirshabelle iyo K/Galbeed oo ka dhacay maanta agagaarka Garoonka Ballidoogle ee Gobolka Sh/hoose.

Qaraxan ayaa la sheegau inuu anaa miino wadadda la dhigay oo ku qaraxday Gaari ay saarnaayeen labada mas’uul oo lagu kala magacaabo xildhibaan Axmed Cabdi Faarax (Kabaweyne) oo ka tirsan Hirshabeelle iyo Xildhibaan C/ qaadir Cabdiraxmaan (Baraf) oo kale ahaa wasiiru dowlaha Amniga maamulka K/Galbeed.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay qaraxan qabsaday labada xildhibaan oo la sheegay inay saaxiibo ahaayeen kana soo kala jeedaan maamullada Hirshabeelle iyo K/Galbeed, iyadoo ku soo jeeday magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News