Sawirro: Halkee ayuu marayaa dhismaha Xarumaha uu ku shaqeyn doono maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb

Cadaado (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumada maamulka Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa manta si wada jira u kormeeray dhismooyinka uu ku shaqeyn doono maamulka ee Dhuusamareeb

Xaaf iyo Sheekh Shaakir, ayaa qolqol u galay dhammaan dhismaha uu ku shaqeyn doono maamulka, waxa ayna si wada jira u sheegen in dhismaha uu kusoo idlaan doono muddo kooban.

Madaxa Xukuumada maamulka ayaa sheegay in dhawaan la dhameystiri doono guryaha uu ku shaqeyn doono maamulka, islamarkaana uu maamulka u shaqo bilaabi doono si deg deg ah.

Waxa uu Sheekh Shaakir sheegay in maamulka uu khasab ku yahay inuu ku shaqo bilaabo magaalada Dhuusamareeb, maadaama uu aha Heshiiska.

Sheekh Shaakir ayaa tilmaamay inuu jiro muran yar oo ku aadan hanaanka uu maamulka ugu shaqeyn doono Dhuusamareeb.

Heshiiska ayaa ahaa in maamulka Galmudug uu ku shaqeeyo magaalada Dhuusamareeb, sida uu ahaa Heshiiska.