Diyaarad sida Maxaabiis Soomaaliyeed oo kusoo jeeda magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta oo arbaco ah magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia laga soo dajin doono maxaabiis ku xayiran dalka Libya.

Maxaabiista lagu wado in la keeno magaalada Muqdisho, ayaa waxaa soo daysay dowladda Federalka Soomaaliya, kadib markii ay korortay dhibaatada lagu hayo Soomaalida Tahriibka.

Xubnaha dowlada Federaalka u qaabilsan soo dhaweynta Maxaabiista iyo kawarqabkooda ayaa sheegay in tiradooda ay gaareyso ilaa 13 dhalinyaro oo doortay in dalkooda dib loogu soo celsho.

Xubnaha qaabilsan arrinta Maxaabiistaan ayaa sheegay in xiligaan ay ku sugan yihiin Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, saaka ayaana lagu wadaa inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, dhalinyaradan ayaa waxaa si gaara looga soo daayay xabsiyada Tajora iyo Sika ee dalka libya, inkastoo ay jiraan dhalinyaro kale oo fara badan, kuwaasi oo xabsiyada wali ku jira.

Dowlada Somalia ayaa xooga saareysa sii deynta Maxaabiista ku jirta Xabsiyada Libya iyo caalamka intiisa kale kuwaa oo la kulmo ciqaab xoogan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com