Safaarada Mareykanka ee dalka Turkiga oo albaabada loo xiray + Sababta loo xiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa xirtay Safaaradeeda ku taal magaalada Ankara ee dalka Turkiga, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada arrimaha dibadda Turkiga.

Wasaarada arrimaha dibadda Turkiga ayaa xaqiijisay xiritaanka Safaarada Mareykanka ee Ankara, waxa ayna sababta xiritaanka ku sheegtay hanjabaad.

Wasaarada ayaa sheegtay in xiritaanka Safaarada ay timid kadib markii Booliska Turkiga uu Howlgal kusoo qabtay 12 qof oo looga shakisan yahay fulinta weeraro argagixiso kuwaa oo hubeysnaa.

12-ka maleeshiyo ayaa ka mid ah 20 qof oo xafiiska xeer-ilaalinta ee gobolka Ankara, ay amar ku bixiyeen in la soo xiro sida lagu sheegay warbaahinta dowlada Anadolu Agency.

Maleeshiyaadka la xiray ayaa la sheegay in ay yihiin muwaadiniin ajnabi ah oo doonayay inay xubno cusub ku soo biiriyaan kooxdooda.

Sidoo kale, qoraal Axadii kasoo baxay Safaarada Mareykanka ayaa lagu sheegay in la xirayo xafiisyadooda, sababo la xiriira hanjabaad dhinaca amniga ah oo aan la sheegin.

Dhinaca kale, Safaarada ayaa sheegtay inay qaban doonaan keliya adeegyada deg dega ah, ee aan la hakin Karin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com