Daawo: Xildhibaan Jeesow oo dhulka ku jiiday Eng. Feysal Cali Waraabe  

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah mudanayaasha baarlamanaka Somalia, ayaa si kulul uga  jawaabay haddal kasoo yeeray Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka UCID ee maamulka Somaliland Faysal Cali Waraabe.

Xildhibaan Jeesow, ayaa sheegay in Feysal Cali Waraabe uu u muuqdo mid loo adeegsado dagaal Siyaasadeedka dowlada Somalia iyo maamulka Somaliland, waxa uuna tilmaamay inay nasiib darro tahay in walaalkii Soomaaliyeed uu uga hiiliyo shisheeye.

Jeesow, waxa uu sheegay in haddal uu sheego Feysal Cali Waraabe aysan Somalia ku weyn doonin dhulka Somaliland, waxa uuna cod dheer ku sheegay inuu ka tagaayo keliya taariikh mugdi ah.

Waxa uu Xildhibaanka sheegay in Somalia aysan Dekadda Berbera ku weyn doonin haddal mala awaal ah oo kasoo yeeray Madaxa Shirkada DP World, waxa uuna cadeeyay in sifo sharci ah lagu soo celin doono Dekadda.

‘’Waxaan leeyahay Berbera waa dhul Soomaaliyeed, DP World waa shirkad ka shaqeyneysa danteeda, waxa ayna ka gudubtay sharciga’’

‘’Haddii shirkad Soomaaliyeed ay ku dhaqmi laheyd sida ay ku dhaqantay DP World mar hore ayaa laga soo cerin lahaa dalkaas anaguna sharciga ayaan mareynaa’’