Maxaa ka jira in ciidamadii weeraray CC Shakuur aysan earqad waaran ah haysan

Muqdisho (Caasimada Online) – Qareenka u doodaya CC Shakuur ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay qaab khaldan u weerartay CC Shakuur oo lagu eedeeyay inuu yahay Qaran dumis.

Qareen Abuukaate Tahliil Xaaji Axmed ayaa sheegay in weerarka CC Shakuur uu ahaa mid aan loo heysan warqad Fasax ah, isla markaana ay fududeysatay dowlada Somalia.

Waxa uu Qareenka sheegay in ciidamadii weeraraayay Hooyga CC Shakuur aysan wadan warqad Waran Maxkamadeed.

Waxa uu tilmaamay in dhinacyada soo xiray CC Shakuur ay Maxkmada horteeda ka sheegeen in ay Cabdiraxmaan Cabdi shakuur soo xireen waaran la’aan.

Qareenka waxa uu cadeeyay inaan jirin sharci Hay’adaha amaanka faraaya in shaqsi mas’uul ah ay ku xadgudbaan isla markaana ay xiraan warqad Fasax la’aan ah.

Abuu kaate Tahliil waxa uu sidoo kale, cadeeyay inuusan jirin sharci fasaxaya in Saqdhexe loo dhaco guryo dad shacab ah, hadii uusan jirin faldambiyeed halis ah, hase ahaatee wuxuu sheegay in Xeer ilaalintu ay xariga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur u cuskadeen edeeymo ay ku sheegeen in uu Maleegayay Shirqool iyo Qarandumisnimo.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in waqtiga Xeer ilaalinta loo qabtay ay tahay 24saac oo ku eg 6-da Maqribnimo ee Arbacadaan.

Dhinaca kale, waxaa lagu wadaa in CC Shakuur lagu gudbiyo dacwado la sheegay inay yihiin muuqaalo muujinaaya isagoo faraha kula jira falal iyo shirar lagu ridaayo dowlada FS.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com