Xog: Maxaa ka cusub kulamada CC Shakuur xalka loogu raadinayo ee ka socda Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xarunta Villa Somalia ka socda kulamo u dhexeeya Madaxda ugu sareysa dalka, Xildhibaanada Beelaha Hawiye iyo Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye kaa oo ku aadan xal ka gaarista xariga C/raxmaan C/Shakuur.

Kulamada socda ayaa waxaa qeyb ka ah mas’uuliyiin ka tirsan dowlada oo aan qeyb ka aheyn Beelaha Hawiye, kuwaa oo ujeedkooda uu yahay in xal laga gaaro khilaafka ka dhashay xariga C/raxmaan C/Shakuur.

Dhinacyada ku howlan xal u helida xariga C/raxmaan C/Shakuur, ayaa madaxda ugu sareysa dalka ka dalbanaaya in lasoo afmeero kiiska xariga CC Shakuur.

Waxa ay madaxda ku wargaliyeen in Siyaasiga marka hore lasiiyo xoriyad kadibna si hoose looga wadahadlo eedeymaha loo soo jeediyay.

Xildhibaanada iyo Odayaasha ku beesha ah C/raxmaan C/Shakuur, ayaa sidoo kale, kulamada socda ku dalbaneysa in Madaxda ugu sareysa dalka ay cadeeyan 3 qodob oo kala ah:

1-Sababta sodomeeyada Siyaasi ee mucaaradka ah looga soo dhex xushay C/raxmaan C/Shakuur.

2-Sababta loo xiray isla markaana loo weeraray iyadoo ay dowlada Somalia ay awoodo inay amar ku siiso inuu imaado Maxkamada.

3-In dowlada Somalia ay bixiso raali galin ku aadan weerarka iyo xariga isla socda ee lagula kacay CC Shakuur.

Shirarka socda waxa ay Madaxda dowlada ku andacooneysaa in C/raxmaan C/Shakuur uu ka talaabay xadka xoriyada, sidaa aawgeedna wax laga weydiin doono eedeymaha la xiriira inuu dhaqaale kusoo qaatay duminta dalka.

Sidoo kale, waxa ay labada dhinac isku fahmi la’ yihiin qodobada qaar, maadaama dowladu ay ku adkeysaneyso in C/raxmaan C/Shakuur ay ku heyso cadeymo, halka beeshiisuna ay ku adkeysaneyso waxa ay ugu yeeren xad gudub.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la saadaalinayaa in kulamada socda aan laga gaari doonin wax xal ah, inta C/raxmaan C/Shakuur uu kasoo dhameysanaayo dacwada uga furan Maxkamada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com