Maxaa ka jirra in qoyska madaxweyne XASAN lagu wareejinayo dhulka Casa Italia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billowday baneynta dhulka Kaasa Italia oo ku yaalla degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Tallaabadan ay dowladda uga saarayso dadkii deganaa dhulkaasi, ayaa waxaa kasoo baxayay warar kala duwan, kuwaasi oo qaarkood ay qoyska madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud la xiriirinayeen inay ka dambeeyaan.

Hase yeeshe waxaa arrintaasi beeniyay Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo sheegay in dhulkaas ay dhisaneyso Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, si ay u ballaariso adeegyada siiso bulshada Soomaaliyeed.

“Majirto dad xigto la’ah madaxweynaha ama ganacsato in la siinayo dhulkaas, intaba majirto. Dowladda Talyaaniga ayaa u baahan dhulkaasi, weyna soo bandhigtay naqshada dhismaha xarumeed ay rabto inay ka dhisato dhulkaasi.”

Dhulkaan loo yaqaano Kaasa Italia ayaa markii horeba waxa uu ahaa dhul ay leedahay safaaradda dowladda Talyaaniga, balse ay deganayeen muwaadin Soomaaliyeed, maadaama ay usoo baahatay safaaraddu ay tahay in loo baneeyo.

Codsiga baneynta dhulkaasi ayey dowladda Talyaaniga kusoo hagaajisay guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale, iyaga oo soo marsiistay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, sida uu sheegay Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo wareysi siiyay Dalsan Tv.

“Dhulkaan waxaa iska leh dowladda Talyaaniga, waxay soo sameysteen codsi ku aadan inay u baahan yihiin dhulkooda. Codsigaan waxay ku qeexeen inay dhulkaas ka fulinayaan mashaariic ay ugu tala-galeen inay ku horumariyaan dalka, waxna ugu qabtaan dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka deganaa dhulkaas uu maamulka gobolka siiyay muddo ka badan laba bil, kadibna markii ay soo dhamaatay muddadaas lagu bilaabay burburin lagu baneynayo dhulkaasi.

“Talyaaniga waxa uu soo bandhigay dokumentiyo ay ku cad yihiin waxyaabaha ay ka qabanayaan xarunta Casa Italia marka lagu wareejiyo iyo dhismaha ay sameynayaan oo naqshada nooca ay noqon doonto.”

Waxa uu intaas kusii daray “Dadka buun-buuniyay baran-bogaadada loogu gafayo madaxda sare ee dalka waxaa ku tusi karnaa muuqaalo guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo safaaradda Talyaaniga oo isla socda xaruntaasi ku tagayaan, dadkana markaas arkeen oo lagu wargeliyay.”

Afhayeenka ayaa ugu dambeyntiina sheegay in qorshaha Talyaaniga ka damacsan yahay dhulkaasi uu faa’iido u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, ayna kusii ballaarinayaan mashaariicda ay ka wadaan dalka.

“Waxay ka sameynayaan (Talyaaniga) in dhalinyarada ku tababaraan, kana dhigtaan keydka daawooyinka iyo raashinka ay ugu deeqaan bulshada, waxay noqoneysa xarunta weyn ee Talyaaniga.”

Hoos ka daawo wareysiga