Maxaa kaaga baxay fariinta dhiiran ee uu Madaxweyne Farmaajo u diray shacabka magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa dadka magaalada Muqdisho ugu baaqay inay ka shaqeeyan Amniga iyo xasiloonida magaalada.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu jiro dayacnaan shanka amaanka ah oo ay muujinayaan shacabka Muqdisho, waxa uuna ku dhiirigaliyay inay lamid noqdaan dadka ku nool Gobolada dalka.

Waxa uu Madaxweynuhu sheegay in shacabka Muqdisho ay muujinayaan dadaal balse laga doonaayo mid lamid ah kan ay muujinayaan shacabka ku dhaqan Gobolada dalka Sida Bari, Mudug iyo Galgaduud.

‘’Dadka ku nool Gobolada dalka waxa ay ilaalsadeen deegaanadooda oo ay ka dhigteen amni, waxaan dadka Muqdisho ku baraarujinayaa inay ku daydaan dadka Gobolada’’

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale sheegay in dowlada Somalia ay xooga saari doonto amniga magaalada Muqdisho oo uu sheegay inay tahay mid muqadas ah.

Waxa uu tilmaamay in qorshaha dowlada uu yahay in magaalada Muqdisho uu ku dhex soconkaro mas’uul iyo shacaba iyadoo aan lawada ilaalo iyo gaadiid kuwa hubeysan ah.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa Hay’adaha amaanka faray inay gutaan waajibaadkooda waxa uuna si wanaagsan u bogaadiyay ciidamada difaaca Qaranka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com