Jubaland oo mamnuucday in la booqdo askartii lagu dhaawacay Baar Sanguuni

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa si rasmi ah u mamnuucay in Isbitaalada lagu booqdo dhaawacyada laga keenay Saldhiga Baar Sanguuni oo qiyaastii 51KM ujirta Magaalada Kismaayo.

Maamulka oo dhaawacyada kala geeyay isbitaalada waaweyn ayaa sheegay in xitaa qoysaska askarta dhaawaca ah aan loo fasixikarin dhawacyada, kadib askarta qaar oo ku jira xaalado adag.

Askarta la dhigay isbitaalada oo qaabab kala duwan u dhaawacmay ayaa waxaa ku jira kuwo uu dab qabsaday oogadooda, halka kuwa kale ay yihiin dhaawacyo halis qaba oo ay ku taal rasaas badan.

Askarta qaar ayaa weerarka ku waayay xubnahooda kadib markii si xun ay u haleeshay rasaasta, waana sababta loo mamnuucay in lagu booqdo isbitaalada Kismaayo.

Dhaawacyada halista ah ayaa gargaar caafimaad loogu soo qaaday magaalada Muqdisho, maadaama qaarkood ay rasaasta uga dhacday qeybaha ugu sareysa jirka.

Geesta kale, dowlada Kenya ayaa Jubbaland ka caawineysa dhinacyada caafimaadka maadaama uu aad u badan yahay khasaaraha ciidamada kasoo gaaray weerarka.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com