Dhageyso: Ciidanka Kenya oo Gedo ku kufsaday shan gabdhood oo Soomaaliyeed

Beled Xaawo (Caasimadda Online) – Mas’uuliyiinta magaalada Beled Xaawo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in haween dhowr ah lagu kufsaday degaan hoos yimaada magaalada Beled Xaawo oo lagu magacaabo Bakoolow.

Mas’uuliyiinta ayaa faahfaahin ka bixiyey cidda ay tuhunsan yihiin in falkaasi ka dambeeyeen. Falkan ayaa dhacay maalintii shalay sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Beled Xaawo.

Gabdhaha la kufsaday ayaa gaarayo ilaa shan gabdhood sida uu sheegay Guddoomiyaha Beled Xaawo Maxamuud Xayd Cusmaan iyadoo ay ku jirtay hal gabar oo yar oo aan weli la guursan.

Guddoomiyaha Beled Xaawo  ayaa sheegay inay Gabdhaha geeyeen Isbitaal isla markaasna baaritaanka lagu ogaaday in gabdhahaan la kufsaday isla markaasna laga diyaariyey warbixin loo gudbiyey madaxda Ciidamada Kenya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrintaan baaritaan lagu sameyn doono isla markaasna sharciga la horkeeni doono ciddii falkaas geysatay.

Falkaan dhacay ilaa hadda kama aysan hadlin Saraakiishada Ciidamada Dowladda Kenya ee ku sugan ay la wadaagaan Soomaaliya,

Maahan markii ugu horeysay oo ay ciidamada Kenya kufsadaan Gabdho Soomaliyeed mana jirto ilaa hadda wax tallaabo ah oo laga qaaday

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga Guddoomiyaha Degmada Beled Xaawo

Caasimada Online
Xafiiska Beled Xaawo
Caasimada@live.com