Maxaa kala socotaa waxyaabaha looga hadli doono shirka Somalia ee Kampala?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo talaado ah magaalada Kampala ee caasimada dalka Ugandha uu shir uga furmo Wasiiradda Arrimaha dibadda Urur goboleedka IGAD.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgali doona Wasiiradda Arrimaha dibadda dalalka qeybta ka ah IGAD.

Shirka oo ahmiyad gaara leh ayaa waxaa martigelisay dowladda Uganda, waxaana looga hadli doonaa Xaaladdaha Somaliya iyo Suudaanta Koonfureed iyo Baratokoolka Dhaqdhaqaaqa Xorta ee Qaxootiga labadaasi Waddan ee gudaha dalalka IGAD.

Waxaa sidoo kale shirkaan diirada lagu saari doonaa sidii loo horumarin lahaa Qarxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya.

Wasiirada ka qeybgali doona shirka ayaa waxaa lagu wadaa inay wehlin doonaan Xildhibaano ka tirsan baarlamaanada wadamada IGAD, gaar ahaan qeybaha qaabilsan arrimaha dibadda.

Madaxda ka qeybgali doonta shirka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka noqon doona Khuburo kala duwan oo ka socda Hay’addaha Caalamka, kuwaa oo khibrad fog u leh arrimaha laga doodi doono.

Si kastaba ha ahaatee, shirka waxa uu imaanayaa iyadoo dhawaan uu Madaxweynaha dalka Ugandha Musavani uu ku dhawaaqay in ay muhiim tahay in xal buuxa loo helo dhibaatooyinka ka jira dalalka ku jira Urur goboleedka IGAD oo ka kooban 8 dal.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com