Xog ku saabsan kulanka xildhibaanada ee maanta iyo ajendaha miiska saaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Somalia ayaa maanta oo sabti ah lagu wadaa inay isugu yimaadan mid kamid ah kulamadooda caadiga ah.

Kulanka Xildhibaanada ayaa Ajendihiisa maanta lagu sheegay cod u qaadista ansixinta Hindise Sharciyeedka Biyaha kaas oo maray dhammaan akhriskii loogu talagay.

Sharcigan oo isbadal ku sameeyeen guddiga u qaabilsanaa golaha shacabka, waxaa isbadal lagu sameeyay qodobo badan oo ku jiray sida heerka tayada biyaha.

Xubnaha kheyraadka qaranka, guddiga qaranka ee kheyraadka biyaha, mas’uuliyadda iyo waajibaadka wasaaradda, khimada biyaha, heerka tayada biyaha iyo qodobo kale.

Dhinaca kale, Aqalka hoose waxaa kalfadhigan la keenay ku dhawaad 20 sharci, kuwaas oo sida la sheegay ay tahay in meel-mariyaan kalfadhigan iyo midka xiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com