Xog: Soomaali Mareykanka oo isaga baxaya Muqdisho kadib war soo baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si xooli ah magaalada Muqdisho uga dhoofayo muwaadiniinta heysta dhalashada Mareykanka kadib digniino dhawaan kasoo baxay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka.

Dhoofka muwaadiniintan ayaa saxmad galiyay duulimaadyada ka baxa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana tani ay ka dambeysay digniin Mareykanka kasoo saaray dhowaan Muqdisho, oo ku saabsaneyd weeraro la qorsheeyey.

Diyaaradaha ka kictama Garoonka ayaa waxaa dadka ugu badan ay yihiin kuwo heysta dhalashada Mareykanka oo dib ugu laabanaayo dalkooda, waxaana xusid mudan in qaarkood ay kusii hakanayaan wadamada Imaaraadka, Qadar iyo Masar oo amni ahaan ka duwan Somalia iyo Kenya.

Wadamada dhawaan laga mamnuucay muwaadiniintan ayaa waxaa kamid ah Kenya oo aan ku taagneyn cago wanaagsan, maadaama ay isku hayaan muxaafid iyo mucaarad.

Muwaadiniinta dhoofka ka ah magaalada Muqdisho ayaa waxaa barbar socda dhoof kale oo ay wadaan muwaadiniinta heysta dhalashada UK, Swedan iyo kuwo kale oo dareen cabsi ka qaba xaalada amni ee ka jirta Somalia.

Sidoo kale, cabsida lasoo daristay dadkan qurba joogta ah ayaa kusoo beegmeysa xili ay soo baxayaan warar sheegaya in magaalada Muqdisho ay ku jiraan gaadiid noocyo waaweyn ah oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo la doonaayo in lagu haligo dad masaakiin ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com